POPULAR POSTS

Email Instagram Facebook YouTube

Faa’iidooyinka Toobinka


Istoobidu waa hab Daawo Islaami ah oo soo jireen ah, kaas oo lagu sameeyo nuugis (suction) maqaarka si loo soo saaro dhiig  ama sun jirka ku ururtay. Istoobitaanku waxa uu jiray mudo aad u dheer, diinta Islaamkana waxaa  uu u leyahay muhiimad weyn ka dib markii uu Nabiga ﷺ sameeyay kuna taliyay.

Istoobidu kuma koobna oo keliya dhanka caafimaadka jirka, balse waxa uu leeyahay qiimo diini ah iyo mid nafsi ah, taasoo muujinaysa fahamka Islaamka ee caafimaadka guud  isku dheellitirnaanta Jirka, maskaxda, iyo nafta.


Toobinku Muxuu yahay?

Toobinku waa “nuugista dhiiga ”, Habka la sameeyo waxa uu ka koobanyahay:

  • Goyn yar yar ama sar sarid yar oo maqaarka lagu sameeyo
  • Ku dhejinta koob nuugis ah (suction cup) si dhiigga ama dareeraha loo soo saaro
  •  saarista sunta ama dhiigga xumaaday


Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo Toobinka ah:

  1. Istoobid qalalanNuugis keliya, dhiig lagama saaro
  2. Istoobid qoyan sar sarid yar yar ayaa la sameeyaa si dhiigga xun loo saaro


Toobinka qoyan ayaa ah kan aadka loogu xusay xadiisyada Nabiga ﷺ.Toobinka waxa lagu xusay xadiisyo badan oo sugan, iyadoo uu Nabiga ﷺ isagu sameeyay toobid marar badan. Tani waxay ka dhigaysaa Toobinka mid ah Sunne– (fal wanaagsan oo layska abaalmariyo ajarna Laga helo oo Looga dayanayo Nebiga SCW).

1. Daawada Ugu Fiican

Nabigu ﷺ wuxuu yiri:

“Daawada ugu fiican ee aad haysaan waa Xijama…”

 (Sahih al-Bukhari, Xadiiska 5371)

Xadiisku wuxuu caddeynayaa in Toobinku uu ka mid yahay daawooyinka ugu waxtarka badan.

2. Daawo Dhammaan Cudurada

Nabigu ﷺ wuxuu yiri:

“Xijama waa daawo dhammaan cudurada haddii si sax ah loo sameeyo wakhti ku habboon.”

(Sunan Abi Dawood, Xadiiska 3854)

Tani waxay muujinaysaa in Toobinku uu yahay dawo waxtar leh haddii si habboon loo adeegsado.

3. Abaal Marino qiimo weyn leh

Abuu Hurayrah (RC) wuxuu weriyay:

“Qofkii Xijama sameeya 17-ka, 19-ka, ama 21-ka bisha (Hijri), waxa ay noqon doontaa dawo dhammaan cudurada.”

 (Sunan Abi Dawood, Xadiiska 3861)

Tani waxay muujinaysaa in wakhtiyo gaar ah oo bisha Hijriya ka mid ah ay u fiican yihiin Toobinka, gaar ahaan 17-ka, 19-ka iyo 21-ka.

Faa’iidooyinka Toobinka ee Caafimaadka

Cilmiga casriga ah ayaa sidoo kale muujiyay faa’iidooyin badan oo Istoobidu leedahay:

  • Dhiig wareeg fiican
  • Saarista sunta jirka
  • Dejinta xanuunada (madax xanuun, dhabarka, iyo arthritis{Caabuqa Xididada})
  •  difaaca jirka
  • Daaweeynta daalka iyo walbahaarka


Toobinku ayaa hadda laga helaa xarumo badan oo caafimaad iyo daryeel dabiici ah gaar ahaan wadankeena Soomaliya.

Noocyada Toobinka 


Toobinka Qoyan (Dhiig saarid)

  • Waxaa aad loogu xusay xadiisyada
  • Goyn yar iyo dhiig saarid

Toobinka Qalalan

  • Nuugis kaliya, dhiig lagama saaro

Duugida (Massage Cupping)
  • Koobabka ayaa lagu dhaqaa maqaarka la sifeeyey


Waxa loo adeegsadaa:
  • Madax xanuun joogto ah
  • Culeyska iyo daalka dhabarka
Toobinka iyo Daawada Casriga ah, Toobinka waa la waafajin karaa daawada casriga ah. Waxa loo adeegsadaa:
  • Daawaynta ciyaartoyda
  • Xanuunada mudada dheer (chronic-ga ah)
  • Xanuunada difaaca jirka ku lugta leh
Dalal badan oo Muslim ah, sida Sacuudiga iyo kuwo kale, waxay sharciyeeyeen Toobinka.


Gunaanad

Toobinka ma aha oo kaliya daawo jir ahaaneed; ee waa Sunne diini ah, oo Nabigu ﷺ uu inagu booriyay, uu isaguna sameeyay. Toobinku,Jirka waa u caafimaad, Nafta waa u dejin, Diinta waa la raacayaa oo waa Sunne.

Toobinka marka uu sax yahay oo la raaco dariiqa Sunnaha, waxa uu keenaa caafimaad iyo shifo, idanka Allah.Hadalka Ugu Dambeeya,Toobinku waa Sunne la illaaway oo mudan in la soo nooleeyo.Allah ha naga dhigo kuwa raaca Sunnada Nabiga ﷺ, kuna hela caafimaad jireed iyo mid Nafeed ah, Aamiin.








Comments