Isticmaalida Cusbada badan ee Maalinlaha ah Waxaa ay kordhisaa Khatarta Xanuunada Wadnaha iyo howl-gabida wadnaha


 Isticmaalida Cusbada ama Milixda badan ee maalinlaha ah waxay sababtaa kororka ku yimaada halista qofka uu ugu dhici karo Xanuunada Wadnaha, Marka laga yimaado arrimaha kale Ee iyana kor u qaada halista Xanuunada wadnaha, daraasado iyo baaritaano la sameeyey ayaa lagu ogaaday in Milixda badan Ee lagu darsado Cunada ay kor u qaado halista in uu kugu dhaco wadne Xanuun. Mid ka mid ah daraasadaha ugu weyn ee si sax ah loo cabiray isticmaalka milixda ayaa Soo jeedineysa arintaan.


Falanqaynta Cilmi Baaris in ka badan 4500 oo qof lagu sameeyey, oo lagu soo bandhigay halkan European Society of Cardiology (ESC) 2017 Congress ayaa tilmaamaysa in shakhsiyaadka cunay in ka badan 13.7g oo cusbo ah maalintii ay ku dhawaad labanlaaban tahay khatarta ah in uu ku dhaco Xanuunka wadne-gabka marka la barbar dhigo kuwa cunay wax ka yar 6.8 g maalintii.


Shir lagu Soo bandhigayey daraasadda, madaxa cilmi-baarista Dr Pekka Jousilahti (Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo Daryeelka, Helsinki, Finland) ayaa sheegay in hadda la hayo caddayn ku filan loona baahan yahay in la bilaabo tallaabo lagu dhimayo qaadashada Cusbada Yurub iyo caalamkaba. Si taas loo gaaro, wuxuu ku baaqay in sharci laga soo saaro iyo In la baro bulshada khatarta Cusbada badan si ay gacan uga geystaan ​​wax ka qabashada arrintan oo ay barbar socota wadashaqeynta warshadaha cuntada.


Dr Joep Perk (Isbitaalka Degmada Oskarshamn, Sweden) ayaa tilmaamay in "In dalka Finland ay aad ugu guulaysteen in ay sharci ka Soo Saraan " si loo yareeyo isticmaalka Cusbada ee dadkooda, waxaana hoos u dhac ku yimid heerka Xanuunka Faaliga(Stroke) Ee dadkooda.


Qiyaastii 20% qaadashada Cusbada aan isticmaalno waxay ku jirtaa cuntooyinka warshadaysan, Sidaas darteed meelaha dowladu ayna soo saari karin go’aamo lagu xakameynayo Cuntooyinka Cusbada badan ku jirto, Sida wadankeena Soomaliya waxaa muhiim ah in Bulshadu ku baraarug sanaato halista Caafimaad ee ay leedahay Isticmaalida cusbada badan.


Inta badan Cuntooyinka warshadeysan waxaa laga keena wadanka dibadiisa go’aana kama gaari karno Cusbada ku jirta, Marka  waxaa lagu talinayaa in aad layskaga yareeyo Cuntooyinka warshadeysan, sidoo kalena la yareeyo Cusbada sida maalin laha ah loogu darsado cuntooyinka.

Comments