Wadanka waxaa laga helaa cuntooyinka la awoodi karo ee leh baal (fiber) sare iyo Borotiin oo taageera dheefshiidka, caafimaadka wadnaha iyo dejinta sonkorta dhiigga. Waxaan halkaan kugu Soo gudbinaynaa 5-ta dookh ee ugu sarreeya oo badanaa laga heli karo suuqyada dalka oo dhan, iyada oo aan raacin doona faa'iidooyinkooda iyo isticmaalkooda.
1.Misirta
Waxaa laga helaa ilaa 15g oo fiber ah halkii koobkii ee la kariyo, faa’iidoyinka laga helo waxaa kamid ah caawinta ka hortagga calool-istaagga iyagoo laga helo Borotiin, Birta iyo Tamarta maalinlaha ah. Si fiican ayaa loo beraa ama waxaa la soo dhoofiyaa iyada oo raqiis ah.
2.Chickpeas
Wadanka, waxaa badanaa loo isticmaalaa maraq kariska, ama cuntooyinka fudud ee la dubay, taasoo taageerta shaqada difaaca jirka iyada oo loo marayo saameynta prebiotic.
Helitaankeeda suuqyada ayaa ka dhigaya mid kamid ah cuntooyinka Baalka iyo Borotiinka leh ee miisaaniyadda ku habboon.
3.Masagada
Canjeelada ama Rootiga laga sameeyay burka Masagada ayaa waxaa uu ka hortagaa dhibaatooyinka dheefshiidka ee caadiyan deeganada cimilada kulul.
4.Digirta
waxaa laga heli karaa 8-11g oo Fabre ah koobkii la kariyo, waxa ayna qani ku tahay labada nooc ee faybar si ay yareeyso calool-istaagga.
Badanaa waxaa loo kariyaa Digir Bariis lagu daray, taas oo kor u qaadaysa dheregta iyo faa'iidooyinka ilaalinta Dheefshiidka.
Si fudud ayaa looga soo saaraa dalka oo dhan, waxayna tusaale u tahay cuntooyinka la heli karo ee loogu talagalay nafaqada.
Badanaa waxaa loo kariyaa Digir Bariis lagu daray, taas oo kor u qaadaysa dheregta iyo faa'iidooyinka ilaalinta Dheefshiidka.
Si fudud ayaa looga soo saaraa dalka oo dhan, waxayna tusaale u tahay cuntooyinka la heli karo ee loogu talagalay nafaqada.
5.Timirta
Timirta waxaa ku jira 7-8g oo baal ah ah 100g, waxa ayna leedahay baal milmi kara oo jilciya saxarada taageerana Bakteeriyada wanaagsan.
Waa Cunto fudud oo Soomaalidu u isticmaasho afurka, waxayna si fiican ula jaanqaadaan lawska si loo helo isku-xirka faybarka. waxay leedahay Macaan dabiici ah, waxay door ku leeyaday difaaca jirka iyo shaqadiisa.






Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.