Faa’iidoyinka Iyo Noocyada Fiitamiinada: Vitamins


Fitamiinku (Vitamins) waa waxyaabo yaryar oo Dabiici ah oo xaddi yar oo kamid ah lagama maarmaan u yihiin koritaanka Jirka, Dayactirka iyo Shaqooyinka kale Ee Jirka Sida dheef-shiid kiimikaadka (Metabolic Function).Jirkeenu Ma Sameysan karo mana Soo saari karo fiitamiinnada intooda badan tiro ku filan, Waxaa uuna ka Helaa Cunooyinka kala Duwan.
Waxaa Loo Qeybiyaa Fiitamiinada 2 Qeybood oo kala ah Fiitamiinada Biya ku Milma iyo Fiitamiinada Dufanka Ku Milma.
Fiitamiinada Biyaha ku Milma (Water-Soluble Vitamins) 
Fiitamiinada biyaha ku Qasma ama ku Milma Jirku ma kaydsado wixii dheeri ah Kaadida ayey Raacaan, Sidaa daraaded waxaan u baahanahay inaan si joogto ah uga helno Cunada Maalinkasta.
Noocyada: Fiitamiinada ugu muhiimsan ee biyaha ku milma waxaa ka mid ah Kuwaan (fiitamiin B-isku-dhafan (sida B1, B2, B3, B5, B6, B7, B9, B12) iyo fitamiin C.
Astaamaha:
• Si toos ah ayaa dhiigga loo Raaciyaa kadib dheefshiidka.
• Wax kasta oo dheeraad Noqda inta badan waxaa lagu Daraa kaadida, taas oo hoos u dhigaysa khatarta In uu Jirka Ku bato.
• waxaa Loo baahan yahay maalin kasta sababtoo ah kayd la'aanta Jirka.

Fiitamiinka
Shaqadooda 
B1 (Thiamine)
Shaqada dareemayaasha Iyo Tamarta 
B2 (Riboflavin)
Soo-deynta tamarta Iyo caafimaadka maqaarka
B3 (Niacin)
Tamarta Iyo dayactirka DNA-da
B5 (Pantothenic acid)
Soo saarista Tamarta Iyo hormoonada
B6 (Pyridoxine)
fariin gudbinta Maskaxda iyo dhisida borotiinada 
B7 (Biotin)
Xoojinta Timaha, maqaarka Iyo dheefshiidka
B9 (Folate)
Koritaanka unugyada Iyo Ilamaha Xiliga uurka
B12 (Cobalamin)
Unugyada casaanka, dareemayaasha
C (Ascorbic acid)
Sameynta Collagen-ta, difaac jirka, ka hotaga burburka unugyada.

Fiitamiinada Dufanka Ku Milma 

Fiitamiinada Ku milma dufanka ama Baruurta waxaana lagu kaydin karaa unugyada Baruurta leh ee Jirka iyo beerka muddo dheer.

Noocyada: Fiitamiinada dufanka ku milma ee aasaasiga ah waa A, D, E, iyo K.

Astaamaha:

  • Waxaa lala nuugaa Cunada iyada oo uu la socdo dufanka cuntada.
  • Waxaa ay ku urursanaan kartaa Jirka, marka qaadashada xad dhaafka ah waxa ay keeni kartaa sun.
  • Looma baahna in loo isticmaalo ama loo qaato si joogta ah sida fiitamiinada biyaha ku milma oo kale  sababtoo ah jirku waa  uu keydsadaa inta dheeriga.

Fiitamiinka


Shaqadooda 

A

Araga , maqaar, iyo difaac jirka

D

Lafaha iyo nuugista calcium-ta

E

Ka-hortagga Burburka unugyada 

K

Dhiig-joojin iyo caafimaadka lafaha


Comments

Post a Comment

Thanks for your comment! You can email me at Info.deeqhealth@gmail.com if you need more help.