Tayada hurdada oo liidata ayaa lala xiriiriyay gabow deg-deg ah oo ku yimaada maskaxda, taasoo laga yaabo inay sababto caabuq Maskaxda ah kadib mudo dheer oo Hurdo Yari ah, cilmi-baaris cusub ayaa muujisay.
Dadka da'da dhexe ah iyo kuwa waaweyn ee hurdadoodu ay liidato waxay u badan tahay inay yeeshaan maskax ka da’ weyn da'dooda ama tan dadka kale Ee ay isku da’da yihiin Ee hurdada ku filan seexda.
"Natiijooyinkayagu waxay caddaynayaan in hurdada liidata ay gacan ka geysan karto dedejinta gabowga maskaxda, caabuq ay keenayso hurdo yaridu ayaana ah mid ka mid ah hababka asaasiga ah Ee ka danbeeya," ayaa ay ku tiri war saxaafadeed madaxa Baarayasha Abigail Dove, PhD, ahna cilmi-baare Waaxda Neurobiology, Saynis Daryeelka iyo Bulshada, Karolinska Institutet, Solna, Sweden.
Waxaa ay sii Raacisay "Maadaama hurdadu ay tahay mid wax laga beddeli karo waxaa suurtagal ah in laga hortegi karo deg-dega gabowga maskaxda iyo laga yaabee xitaa in la yareyn karo hoos u dhaca ku yimaada garashada maskaxda ama ilowshiyaha iyada oo loo marayo hurdo caafimaad leh," War saxaafadeedka News Release 30-Sep-2025.
Culmi-baarista Xiriirka Hurdo yarida iyo Gabowga Maskaxda waxaa lagu daabacay
The Lancet eBioMedicine October 2025.
Hurdo la'aan iyo Xanuunka Asaasaqa (Dementia)
Waxaa jira caddaymo isa soo taraya oo muujinaya xiriirka ka dhexeeya hurdo xumada iyo khatarta weyn ee Xanuunka Asaasaqa.Si kastaba ha ahaatee, baarayaashu waxaa ay xuseen in ay San caddayn in tayada hurdada oo liidata ay gacan ka geysato horumarka Xanuunka Asaasaqa, Iyo in ay tahay natiijo ka dhalatay cudurka prodromal, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in si fiican loo fahmo xiriirka ka dhexeeya hurdada iyo gabowga maskaxda.
Daraasad yar oo 2024 lagu sameeyay in ka badan 500 oo qof ayaa muujisay in hurdada khalkhalka ah ee dadka da'da dhexe ay la xiriirto calaamado sii kordhaya ee gabowga maskaxda ee nolosha dambe.
Si looga hortago Xanuunada la xiriira hurdo yaraanta waxaa lagu talinayaa in qofku seexdo hurdo ku filan kana fogaado Caadeysiga dhafarka maxaa yeelay Calaamadaha gabowga iyo Ilowshiyaha maskaxda waxaa ay kugu soo bixi karaan xili danbe haddii aadan is daba qaban.
Wabillahi Towfiiq
.png)
Comments
Post a Comment
Thanks for your comment! You can email me at Info.deeqhealth@gmail.com if you need more help.