Xanuunka Boog Calooleedka Sababta Baaritaanada daaweynta iyo 7 Calaamadod oo aad ku garan kartid!
Noocyada Boog Calooleedka
- Boogta caloosha (Stomach ulcer): Waxaa ay dhacdaa marka xuubka hoose ee gidaarka caloosha uu yaraado. Sida nabar qotodheer ama nabaad guurka xuubka, waxaa badanaa go'aamin doona darnaanta calaamadahaaga labadaas midka uu yahay. Guud ahaan, marka uu sii qoto dheeraado Nabarku waxaa sii xumaanaya calaamadaha.
- Boogaha Xiidmaha yar (Duodenal ulcer): Waa khafiifid xuubka qeybta duodenum, kaas oo ah qaybta kowaad ama hore ee mindhicirka yar ama nabar ku sameysma.
Calaamadaha
Calaamadaha boogaha Caloosha waa ku kala duwanaan karaan qof ilaa qof. Marxaladaha hore, waxaa laga yaabaa inaadan la kulmin wax calaamado ah gabi ahaanba. Marka astaamuhu bilaamaan, waxay u badan tahay inaad la kulmi doonto inta lagu gudajiro wax cunista ama ka dib markaad wax cuntid. Calaamadaha caanka ah waxaa ka mid ah:
- Calool xanuun
- Dareen dheregsan ka hor inta adan cunin
- Dibiro
- Dhibaato liqidda
- Lalabbo iyo matag
- Miisaanka oo si aan ula kac ahayn u luma
- Daacis xad dhaaf ah
Haddii aan la helin daaweyn habboon, xanuunka boog Calooleedku waa uu sii darsan karaa oo waxaa uu keeni karaa dhiig-baxa gudaha caloosha ah. Haddii aad yeelato dhiigbax, calaamadaha soo socda ayaa dhici kara:
- Dhiig-yaraan heerka unugyada cas cas ee dhiigga oo hooseeya
- Saxaro madow
- matag dhiig dhalaalaya ama midab madow ah leh
Maxaa keena?
Xanuunka boog Calooleedka waxaa uu dhacaa marka xuubka gudaha ee gidaarka caloosha uu khafiifo. Waxaana uu keenaa in aashitada ay dhaawacdo muruqyada caloosha ee hoose. Waxaa jira 2 sababood oo asaasi ah oo xaaladdan horseeda,
- Caabuqa ay keento Bakteeriyada Helicobacter pylori (H. pylori) iyo
- qaadashada daawooyinka qaarkood.
Si kastaba ha ahaatee, qaadashada daawooyinka qaarkood sida daawooyinka aan steroid-ka ahayn ee ka hortagga bararka (NSAIDs) waxaa ay sidoo kale saameyn karaan xuubka ama gidaarka hoose ee calooshaada. Dad badan ayaa qaata NSAIDs si ay u yareeyaan calaamadaha xanuunka. Laakiin isticmaalka muddada dheer ee daawooyinkan waxaa ay kordhiyaa khatarta ah in uu kugu dhaco xanuunka Boog Calooleedku. Haddii aad halis ugu jirto cudurka boog Calooleedka sida adigoo leh taariikh qoys oo xaaladaha boog calooleedka la xiriirtaa, waxaa fiican inaad kala tashato Dhakhtar qaadashada daawooyinka NSAIDs-ka ka hor inta aadan isticmaalin.
Baaritaanada
- Tijaabada Dhiiga: si loo hubiyo calaamadaha dhiig-yarida.
- Tijaabada H. Pylori: si loo ogaado joogitaanka bakteeriyada.
- Ama Tijaabada Upper endoscopy
Daaweynta
Haddii la helo ama la ogaado xanuunka boog Calooleedka, Dhakhtar-kaaga ayaa kugula talin doona daawooyin si loo hagaajiyo caafimadkaaga. Hadafka daawaynta waa in la yareeyo soo saarista aashitada caloosha iyo kor u qaadida bogsashada boogaha. Dhakhtar-kaagu waxaa ay u badan tahay in uu kuu qoro mid ka mid ah labada nooc ee dawooyinka: Daawoyinka yareeya aashitada Caloosha (stomach Acid Inhibitors) ama Daawoyinka caabuqa H. Pylori.
Daawoyinka Kahortaga aashitada caloosha waxaa ay caawiyaan joojinta soo saarista aashitada badan ee caloosha waxayna hagaajiyaan xuubka derbiga caloosha. Si loo helo natiijada ugu wanaagsan, Dhakhtar-kaagu waxaa uu kugu la talin doonaa inaad qaadato daawooyinkan ilaa 30 daqiiqo ka hor inta aanad cuntada cunin. Waxaa jira laba nooc oo ah ka hortagga aashitada caloosha oo laga yaabo in Dhakhtarku kuu qoro, kuwaas oo ay ku jiraan:
- PPI: sida Omeprazole iyo Pantoprazole
- H-2 receptor blockers: sida Ranitidine iyo Cimetidine
Haddii boog Calooleedka ay sabab u tahay caabuqa Bakteeriyada H. pylori, daaweyntu waxaa ay diiradda saari doontaa daaweynta caabuqa. Daawaynta safka hore ee caabuqa H. pylori waa isku darka daawoyin kuwaas oo ka kooban Labo antibiyootik iyo mid kamid ah daawoyinka aashitada caloosha yareeya ah.
Tusaalaha caadiga ah ee nidaamka daawaynta saddex-geesoodka ah ee H. pylori waa
- amoxicillin
- Clarithromycin
- omeprazole
Waxaad u baahan doontaa inaad qaadato daawooyinkan ilaa laba toddobaad si aad u aragto natiijada daawada.
Ka hortaga
Nasiib wanaag, waxaa jira dhowr waxyaalood oo aad sameyn karto si aad u yareyso halista aad ku yeelan karto boog Calooleedka, sida:
- iska ilaali qaadashada NSAIDs mudo iyada oo aanad helayn la talin caafimaad
- Iska ilaali cabida sigaarka
- Iska ilaali oo iska xakamee walbahaarka badan
- Iska baar oo iska hubi Bakteeriyada H.pylori
Cawaaqib xumada haddii aadan helin daaweyn ku haboon
- Dhiig-bax gudaha
- Caloosha ama xiidmaha oo dilaaca
- Xiidmaha oo xirma

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.