Vitamin B12 la'aanta iyo Calaamada lagu garto: Vitamin B12 deficiency and it’s symptoms
Waxaa lagu Taliyaa in la qaato qiyaastii xadi kugu filan maalinti
Vitamin B12-ka cuntadu waxaa ay si adag ugu xiran yihiin borotiinnada Cuntada la socda. Hydrochloric acid (HCl) iyo enzymes sida pepsin ee caloosha ku jira ayaa gacan ka geysta inay burburiyaan borotiinadan, iyagoo siidaaya vitamin B12 kaligiis ah. Vitamin-ka kaligiiska ah ee B12 wuxuu markaa ku xirmi karaa cunsur kale (IF), kaas oo lagama maarmaan u ah nuugista vitamin B12 ee ka dhaca xiidmaha yar.
Xaaladaha aashitada caloosha ay yartahay sida (gastritis atrophic), infekshannada H. pylori, ama isticmaalka dawooyinka aashitada-xakameeya sida (proton pump inhibitors) waxay yareeyaan awoodda caloosha si ay uga uga bixiso vitamin B12-ka cuntada. Tani waxay keenaysaa nuugista vitamin B12 liidata waxayna keeni kartaa yaraanta Vitamin-Ka.
Yaraanta vitamin B12 waxay keeni kartaa calaamado badan oo neerfaha ah, kuwaas oo laga yaabo inay soo if baxaan xitaa iyada oo aan dhiig-yaraan jirin. Calaamadaha caadiga ah ee neerfaha waxaa ka mid ah:
- Dadka waaweyn 2mcg/d
- Hooyada uurka leh naas nuujineysa 2.6mcg/d
- Caruurta 0.7mcg/d
- Qaar-gaarka ah 2mcg/d
Maadaama Beerka uu keydiyo, Vitamin B12 la’aanta ka timaada qaadasho la’aanta ama nuugis la’aanta ka timaada xiidmaha iyo caloosha waxaa ay Soo if baxdaa ilaa 2-5 sano.
Faa'iidooyinka Vitamin B12
- Waxaa uu kordhiyaa wax soo saarka unugyada dhiigga cas
- Waxaa uu ka hortagaa dhiig-yaraanta (megaloblastic)
- Waxaa uu wanaajiyaa heerarka tamarta
- Waxaa uu taageeraa shaqada neerfaha
- Waxaa uu caawiyaa sameynta DNA-da
- Waxaa uu taageeraa caafimaadka maskaxda iyo xusuusta
- Waxaa uu wanaajiyaa niyadda (taageeraa serotonin)
- Waxaa uu muhiim u yahay hooyada uurka leh iyo horumarka uurjiifka
- Waxaa uu caawiyaa ilaalinta maqaarka caafimaad qabkiisa, timaha iyo cidiya
Aashitada caloosha ayaa muhiim u ah nuugista vitamin B12 sababtoo ah waxay ka caawisaa sii daynta vitamin B12 ee borotiinnada cuntada. Haddii aad an lahayn aashitada caloosha ku filan, vitamin B12 wuxuu ku sii xirnaan doonaa borotiinnada kale cuntada jira oo lama sii dayn karo si uu ugu xirno (gastric intrinsic factor (IF)) oo ku dhex jira caloosha,waana borotiinka lagama maarmaanka u ah nuugista dambe ee xiidmaha yar.
Vitamin B12-ka cuntadu waxaa ay si adag ugu xiran yihiin borotiinnada Cuntada la socda. Hydrochloric acid (HCl) iyo enzymes sida pepsin ee caloosha ku jira ayaa gacan ka geysta inay burburiyaan borotiinadan, iyagoo siidaaya vitamin B12 kaligiis ah. Vitamin-ka kaligiiska ah ee B12 wuxuu markaa ku xirmi karaa cunsur kale (IF), kaas oo lagama maarmaan u ah nuugista vitamin B12 ee ka dhaca xiidmaha yar.
Xaaladaha aashitada caloosha ay yartahay sida (gastritis atrophic), infekshannada H. pylori, ama isticmaalka dawooyinka aashitada-xakameeya sida (proton pump inhibitors) waxay yareeyaan awoodda caloosha si ay uga uga bixiso vitamin B12-ka cuntada. Tani waxay keenaysaa nuugista vitamin B12 liidata waxayna keeni kartaa yaraanta Vitamin-Ka.
Yaraanta vitamin B12 waxay keeni kartaa calaamado badan oo neerfaha ah, kuwaas oo laga yaabo inay soo if baxaan xitaa iyada oo aan dhiig-yaraan jirin. Calaamadaha caadiga ah ee neerfaha waxaa ka mid ah:
- Peripheral neuropathy Neefaha Adimada oo xanuuna sida kabuubyo, awood yari (paresthesia), iyo luminta dareenka ugu horrayn gacmaha iyo cagaha.
- Daciifnimada murqaha iyo luminta isku-dheelitirka (ataxia), taasoo keenta dhibaato socodka iyo dhibaatooyinka dheelitirka.
- Waxyeellada garashada sida xusuusta oo lunta, xooga saarista oo ku adkaata, jahawareer, iyo niyad jab.
- Calaamadaha kale waxaa ka mid ah dawakhaad, suuxid, gariir, khalkhal aragga, daahitaanka korriinka ee carruurta, iyo calaamadaha dhimirka sida cillado aan caadi ahayn.

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.