Qaamo-qashiirku waa cudur fayras oo deg-deg u soo ifbaxa, laguna garto bararka hal ama in ka badan qanjirada candhuufta, gaar ahaan qanjirada parotid. Wuxuuna ka dhashaa caabuqa fayraska qaamo-qashiirka. Waa fayras RNA ah oo duuban, dareen taban leh kana mid ah qoyska Paramyxoviridae, oo ah nooca Orthorubulavirus oo hore loogu yaqaanay Rubulavirus. Dadka ayaa ah noolaha kaliya ee uu si dabiici ah ugu dhaco, gudbintuna waxay u dhacdaa dhibco neefsasho oo ka yimaada qufaca, hindhisada, ama taabashada tooska ah ee candhuufta qofka cudurka qaba.
Fayraska qaamo-qashiirka (MuV) wuxuu ka kooban yahay hiddo-side RNA oo hal-xarig leh laakiin iyada oo loo marayo wax kabadalid RNA, wuxuu soo saaraa sagaal borotiin oo kala duwan oo u oggolaanaya inuu ku tarmo, faafo, oo uu ka baxsado difaaca jirka. Wuxuu soo gala marinnada neefsashada,halkaas ayaa uu na ku tarmaa, ka dibna wuxuu ku faafaa dhiig-wareega. wuxuu asiibaa unugyada sida qanjirada candhuufta, habdhiska neerfaha dhexe (CNS), iyo xiniinyaha. Fayrasku wuxuu gaari karaa habdhiska neerfaha. Qiyaastii kala bar dadka uu ku dhaco cudurku, wuxuu gaaraa maskaxda ama laf-dhabarta, laakiin inta badan tani ma keento calaamado muuqda.
Astaamaha & Calaamadaha
Calaamadaha digniinta ah ee ugu horaya xanuunka qaamo-qashiirka waxay soo baxaan 2-3 toddobaad ka dib soo-gaarista fayraska ka hor inta uusan cudurku si buuxda u jirka ugu faafin waxa ay na sii jiraan ilaa 1-2 maalmood.
- Qandho heer hoose
- Daal
- Rabitaanka cuntada oo yaraada ama maqan
- Madax-xanuun
- Daal (dareen guud oo ah xanuun)
- murqo Xanuun
- Calaamadda ugu weyn: waa bararka qanjirada parotid-ka oo xanuun badan, badanaa hal dhinac oo daanka ah marka hore laakiin laba-geesood ah ilaa 70% kiisaska, taas oo keenta "dhabannada chipmunk."
Dhabannada chipmunk waa bararka qanjirada parotid ee dhabanada waxaa uu astaan u yahay xanuunka qaamo-qashiirka, kaas oo wejiga siiya muuqaal bararsan, oo si caadi ah looga arki karo xaalada xanuunka mumps-ka.
Calaamadaha kale waxaa ka mid ah
- qanjirada submandibular/sublingual oo adkaada iyo xanuunka dhegta; calaamadahan waxay ugu badan yihiin 1-3 maalmood oo bararka ah waxayna ku baaba’aan 7-10 maalmood gudahood.
Xanuunkan mararka uusan calaamadahan lahayn waxay dhacaan ilaa 20-40% kiisaska, kuwaas oo aad ugu badan dadka la tallaalay.
Baritaanada
1.Ogaanshaha bukaan-socodka: waxaa lagu salayaa calaamadaha caadiga ah, gaar ahaan:
- Bararka qanjirada parotid (badanaa laba geesood ah)
- qandho,
- madax xanuun,
- xanuun iyo barar xaniinyaha (ee ragga aan ka yar da’da qaangaarka)
- Astaanta ugu weyn waa: Bararka qanjirka parotid ee → "Dhabannada Chipmunk"
2. Baaritaannada dhiigga(Serology)
- IgM antibodies → waxay muujinayaan caabuq Cusub
- IgG antibodies → waxay muujinayaan caabuq hore ama difaac u yeelasho
Badanaa waxaa loo isticmaalaa in lagu xaqiijiyo kiisaska caafimaad ahaan looga shakisan yahay
3.PCR (Polymerase chain reaction )
Waxaa lagu ogaadaa hidde-sidaha RNA ee fayraska qaamo-qashiirka: waxaa baraa
- candhuuf
- dhuunta/cunaha
- kaadida
Waana habka ugu saxsan gaarkana u ah, gaar ahaan horaanta caabuqa.
Maareynta & Talaalka
Ma jirto daaweyn gaar ah oo ka hortagta fayraska; Maareyntu waa taageero siin, Nasiino,fuuq-celin, xanuun iyo qandho baabi’in (acetaminophen / ibuprofen ee qandho / xanuun), iyo cunto jilicsan.
Go'doominta bukaanka 5 maalmood ka dib bilawga bararka qanjirka parotid-ka si looga hortago faafitaanka.
Tallaalka MMR (jadeecada-qaamo-qashiirka-rubella) aad buu waxtar u leeyahay qiyaastii (78-91% oo ah laba qiyaasood) wuxuuna ka hortagayaa kiisaska intooda badan.
laba qiyaasood:
- Da’da 12-15 bilood
- Da’da 4-6 sano
Tallaalka caruurnimada ayaa si aad ah hoos ugu dhiga dhacdooyinka cudurkan ; badanaa wuxuu ka dillaaca oo uu ku dhacaa caruurta aan la tallaalin.
Dhibaatooyinka qaamo-qashiirka
1.Bararka Xaniinyaha (Orchitis)
• Badanaa ragga qaangaarka ah ayaa la kulma
• Mararka qaar waxay keeni kartaa yaraansho xaniinta (atrophy) iyo dhibaato dhalmo la’aan
2.Bararka Ugxanta sidaha (Oophoritis)
• Dumarka ayuu marar dhif ah ku dhacda
• Badanaa iskiis ayuu u bogsada
3.Meningitis (Caabuqa maskaxda iyo xuubka ku wareegsan)
• Aseptic/viral meningitis
• Calaamadaha: madax xanuun, qoorta oo adkaata, iftiinka oo ku dhiba
4. Encephalitis (Caabuqa maskaxda)
• Dhif, laakiin waa halis
• Waxyeelo maskaxeed oo joogto ah ayaa dhici karta
5. Pancreatitis (Caabuqa ganaca)
• Xanuun caloosha ah, lalabbo, matag
• Badanaa khafiif ah oo iskiis u bogsada
6. Dhegaha oo maqalku yaraado
• Badanaa sensorineural
• Mararka qaarkood waa joogto
7. Myocarditis / Pericarditis (Caabuqa wadnaha ama dahaarkiisa)
• Dhif
• Waxyeelo ku timaadda murqaha wadnaha ama xuubka wadnaha
8. Arthritis / Arthralgia (Xanuunka kala-goysyada)
• Xanuun ama barar kala-goysyada ah
• Badanaa dumarka waaweyn ayaa ku badan
9. Dhibaatooyinka uurka
• Haddii uu cudurku ku dhaco trimester-ka hore (3-da bilood ee ugu horeysa uurka)→ khatar yar oo ah in ilmuhu ku Soo dhici karo (miscarriage).
Yaa u nugul in xanuunku uu ku dhaco
- Dadka aan la tallaalin ama qayb ahaan la tallaalay waa aasaasiga;
- Goobaha xiriirka dhow (dugsiyada, kulliyadaha, xeryaha) waxay fududeeyaan dillaaca Cudurka. Dhallinyarada / dadka waaweyn waxay la kulmaan heerar dhib badan; Ragga ayaa aad ugu nugul calaamadaha daran.
- Safarka meelaha ciriiriga ah (halkaas oo tallaalku ku yar yahay) waxay sare u qaadaysaa khatarta.
- Dadka Difaaca jirkoodu hoseeyo ama dillaaca cudurka dhawaanahan waxay kordhiyaan nuglaanta.
FG: Dadka waaweyn waa uu ku dhici karaa qaamo-qashiirku, infekshankuna wuxuu noqdaa mid aad u daran oo leh khatar sare oo dhibaatooyin ah marka loo eego carruurta.



Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.