POPULAR POSTS

Mid kamid Xanuunada Fayraska ee kaneecadu gudbiso: Dengue Fever

Xanuunada kaneecada laga qaado ayaa weli ah caqabad weyn oo caafimaadka dadweynaha ah ee wadamada kulaylaha ah oo wadankeena Soomaliya kamid yahay. Waxaa ka mid ah xanuunadaas Dengue fever oo ah xanuun fayras sababo oo inta badan ay gudbiso nooca Aedes-ka ee kaneecada - gaar ahaan Aedes aegypti iyo Aedes albopictus.

Inkasta oo infekshankaan uu astaamo badan oo caafimaad la wadaago Xanuunada kale ee kaneecadu gudbiso sida Chikungunya waxaa jira calaamado, khataro iyo natiijooyin u gaar ah.


Sababaha


Qandhada Dengue

Waxaa keena fayraska Dengue (DENV), kaas oo leh afar nooc: DENV-1, DENV-2, DENV-3, iyo DENV-4.

• waxaa uu Ku faafaa qaniinyada kaneecada Aedes ee cudurka qabta.

• Qofku wuxuu qaadi karaa dengue ilaa 4 jeer, halkii marba hal nooc oo fayraska kamid ah.


Astaamaha


Calaamadaha xumada Dengue


Calaamaduhu waxay badanaa soo baxaan 4-10 maalmood ka dib qaniinyada kaneecada:

• qandho daran

• Madax xanuun daran

• Xanuun indhaha gadaashiisa ah

• Muruq iyo kalagoysyo xanuun ("xummad jabin")

• Lalabbo iyo matag

• Finanka maqaarka

Dhiigbax fudud (dhiigbax ciridka, dhiig sanka, nabar fudud)


Dengue daran (Hemorrhagic Dengue fever) waxaa ka mid noqon kara:

• calool xanuun daran

• matag joogto ah

• Dhiigbax

• Neefsashada oo ku adkaata

• Naxdin

Baaritaanada 

Xanuunka waxaa lagu ogaadaa:

• Baaritaan caafimaad oo ku salaysan calaamadaha

• Baaritaannada dhiigga, oo ay ku jiraan: 

CBC (Complete Blood Count)

PCR (Polymerase Chain Reaction)

NS1 antigen (for Dengue)

IgM/IgG antibodies


Daawaynta


Daaweynta Xumadda Dengue

Ma jirto daaweyn gaar ah oo ka hortag ah oo loogu talagalay Dengue fever . Maareynta xumadda iyo taageero ayaa ah muhiim:

• Fuuq-celin ku filan ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan

• Paracetamol ayaa lagu xakameeyaa qandhada iyo xanuunka

• Ka fogow NSAIDs (ibuprofen, aspirin) sababtoo ah waxaa ay kordhiyaan khatarta dhiigbaxa

La soco calaamadaha digniinta 

• haddii la tuhunsan yahay dengue fever daran waa la jiifiyo bukaanka Isbitaalka

Ka hortagga 

Xakamaynta kaneecada

  •  Ka saar biyaha taagan Ama fadhiya fuustoyinka, taayirada, baaldiyada iyo meelaha kale waa halka ay kaneecadu ka dhalato
  •  Isticmaal shabagyada looga hortago kaneecada
  •  Ku buufinta sunta kaneecada haraaga gudaha guriga 
  •  Si adag u dabool weelasha biyaha lagu kaydiyo sida Barkadaha.


Tallaabooyinka Bulshada

• Waxbarashada caafimaadka dadweynaha

• Maareynta qashinka

• Warbixin deg-deg ah haddii uu xanuunku dillaaco


Cawaaqib xumada ama sii Darnaanshaha xanuunka 


  •         Kala-goysyo xanuun joogto ah oo socon kara bilo ama sannado
  • Calaamado sida kala-goyso barar
  • Dhibaatooyinka indhaha (uveitis, retinitis)
  • Dhibaatooyinka neerfaha af ( naadir)
  • Daal iyo niyad-jab ay sabab u tahay xanuunka muddada dheer

Qandhada Dengue waa mid kamid mid ah cudurrada fayraska ee kaneecada ka dhasha adduunka oo dhan. Ogaanshaha hore, daryeelka saxda ah ee taageerida bukaanka , iyo xeeladaha xakamaynta kaneecada ee waxtarka leh ayaa weli ah tiirka dhimista culeyska cudurka iyo ka hortagga dillaacistiisa.






Comments