Mid kamid Xanuunada Fayraska ee kaneecadu gudbiso: Dengue Fever Calaamadaha baritaanada iyo Daaweynta
Xanuunada kaneecada laga qaado ayaa weli ah caqabad weyn oo caafimaadka dadweynaha ah ee wadamada kulaylaha ah oo wadankeena Soomaliya kamid yahay. Waxaa ka mid ah xanuunadaas Dengue fever oo ah xanuun fayras sababo oo inta badan ay gudbiso nooca Aedes-ka ee kaneecada - gaar ahaan Aedes aegypti iyo Aedes albopictus.
Inkasta oo infekshankaan uu astaamo badan oo caafimaad la wadaago Xanuunada kale ee kaneecadu gudbiso sida Chikungunya waxaa jira calaamado, khataro iyo natiijooyin u gaar ah.
Sababaha
Qandhada Dengue waxaa keena fayraska Dengue (DENV), kaas oo leh afar nooc: DENV-1, DENV-2, DENV-3, & DENV-4.
- waxaa uu Ku faafaa qaniinyada kaneecada Aedes ee feyraska sida.
- Qofku wuxuu qaadi karaa dengue ilaa 4 jeer, halkii marba hal nooc oo fayraska kamid ah.
Astaamaha
Calaamadaha xumada Dengue
Calaamaduhu waxay badanaa soo baxaan 4-10 maalmood ka dib qaniinyada kaneecada:
- qandho daran
- Madax xanuun daran
- Xanuun indhaha gadaashiisa ah
- Muruq iyo kalagoysyo xanuun ("xummad
- Lalabbo iyo matag
- Finanka maqaarka
- Dhiigbax fudud (dhiigbax ciridka, dhiig sanka, nabar fudud)
Dengue daran (Hemorrhagic Dengue fever) waxaa ka mid noqon kara:
- Calool xanuun daran
- Matag joogto ah
- Dhiigbax
- Neefsashada oo ku adkaata
- Naxdin
Baaritaanada
Xanuunka waxaa lagu ogaadaa:
- Baaritaan caafimaad oo ku salaysan calaamadaha
- Baaritaannada dhiigga, oo ay ku jiraan:
- CBC (Complete Blood Count)
- PCR (Polymerase Chain Reaction)
- NS1 antigen (for Dengue)
- IgM/IgG antibodies
Daawaynta
Daaweynta Xumadda Dengue
Ma jirto daaweyn gaar ah oo ka hortag ah oo loogu talagalay Dengue fever . Maareynta xumadda iyo taageero ayaa ah muhiim:
Fuuq-celin ku filan ayaa ah tallaabada ugu muhiimsan
Paracetamol ayaa lagu xakameeyaa qandhada iyo xanuunka
Ka fogow NSAIDs (ibuprofen, aspirin) sababtoo ah waxaa ay kordhiyaan khatarta dhiigbaxa
La soco calaamadaha digniinta
Haddii la tuhunsan yahay dengue fever daran waa la jiifiyo bukaanka Isbitaalka
Ka hortagga
Xakamaynta kaneecada
- Ka saar biyaha taagan Ama fadhiya fuustoyinka, taayirada, baaldiyada iyo meelaha kale waa halka ay kaneecadu ka dhalato
- Isticmaal shabagyada looga hortago kaneecada
- Ku buufinta sunta kaneecada haraaga gudaha guriga
- Si adag u dabool weelasha biyaha lagu kaydiyo sida Barkadaha.
Tallaabooyinka Bulshada
- Waxbarashada caafimaadka dadweynaha
- Maareynta qashinka
- Warbixin deg-deg ah haddii uu xanuunku dillaaco
Cawaaqib xumada ama sii Darnaanshaha xanuunka
- Kala-goysyo xanuun joogto ah oo socon kara bilo ama sannado
- Calaamado sida kala-goyso barar
- Dhibaatooyinka indhaha (uveitis, retinitis)
- Dhibaatooyinka neerfaha af ( naadir)
- Daal iyo niyad-jab ay sabab u tahay xanuunka muddada dheer

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.