Jadeecadu waa Xanuun aad u faafa oo uu keeno fayraska jadeecada (paramyxovirus). Waxaa inta badan lagu kala qaadaa dhibcaha neefsashada marka qof cudurka qaba uu qufaco ama hindhiso. Fayrasku wuxuu sii ahaan karaa mid firfircoon oo wuxuu ka faafi karaa hawada ama meelaha uu gaarsiiyey qofka qaba ilaa laba saacadood.
Calaamadaha iyo Astaamaha
Calaamadaha jadeecadu waxay caadi ahaan soo muuqdaan 7 ilaa 14 maalmood ka dib soo-gaarista. Calaamadaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:- Qandho sare (badanaa kor ugu kacda ilaa ka badan 40°C
- Cough— Qufac
- Coryza— Duuf biyo ah oo sanka ka dareera
- Conjunctivitis— Indhaha oo ilmeeya gaduudna noqda
- Koplik spots: Dhibco yaryar oo cadcad oo laga yaabo inay ka soo muuqdaan afka gudahiisa laba ilaa saddex maalmood ka dib marka calaamaduhu bilaabmaan.
- Finanka Jadeecada: Finan midab gaduud leh oo bararsan badanaa ka bilaabma wejiga fooda timaha oo ku fida qoorta, dhexda, gacmaha, lugaha, iyo cagaha.
Baarista iyo Maareynta
Baarista: Dhakhaatiirtu waxay badanaa ku ogaadaan jadeecada iyagoo ku salaynaya finanka astaamaha ah iyo joogitaanka dhibcaha Koplik-ga. Baaritaanka dhiigga ee (IgM antibody) ama suufka cunaha/sanka ayaa xaqiijin kara cudurka(PCR).Maareynta: Ma jirto daaweyn gaar ah oo ka hortagta fayraska jadeecada. Maarayntu guud ahaan waa mid taageero siin ah, iyada oo diiradda la saarayo yareynta calaamadaha iyada oo loo marayo nasasho, qadasho dareere ku filan, iyo daawooyin yareeya qandhada. Xaaladaha qaarkood, Fiitamiin A ayaa la siiyaa carruurta si loo yareeyo khatarta dhibaatooyinka daran. Fiitamiin A-ga waxaa loo siinayaa sababta oo ah jadeecadu si degdeg ah ayay u baabi'isaa fitamiin A-ga waxayna waxyeeleysaa unugyada epithelial-ka. Carruurta - gaar ahaan kuwa wadamada dakhligoodu hooseeyo sida wadankeena Soomaliya- Fiitamiin A yaraantani waxay noqon kartaa mid khatar ah.
Shaqada Fiitamiin A-ga
- Wuxuu yareeyaa dhimashada Jadeecada
- Wuxuu yareeyaa darnaanta cudurka
- Wuxuu ka hortagaa dhaawaca indhaha iyo indho la'aanta
- Wuxuu hagaajiyaa shaqada difaaca jirka iyo hagaajinta epithelial-ka
- Wuxuu yareeyaa dhibaatooyinka sida oof-wareenka iyo shubanka
Taasi waa sababta WHO ay ugu talinayso in la siiyo fitamiin A qiyaas sare leh dhammaan carruurta qaba jadeecada, xitaa haddii aysan jirin wax calaamado ah oo indhaha ah.
Tallaalka Jadeecada
Jadeecada waxaa laga hortagi karaa tallaalka MMR (jadeecada, qaamo-qashiirka, iyo jadeecada rubella). Caadiyan waxaa la qaataa laba qiyaasood: kan ugu horreeya marka uu jiro 12-15 bilood iyo kan labaad marka uu jiro 4-6 sano. Tallaalku waa mid aad waxtar u leh, isagoo siinaya difaac muddo dheer ah inta badan dadka qaata.Xanuunada ka dhalan kara Jadeecada
- Oof-wareenka
- Shuban iyo Fuuqbax
- Caabuq gudaha dhegaha ah
- Indho la’aan
- Caabuq Maskaxda ah & dhaawac Neerfaha oo joogta ah.
Yaa u nugul xaaladahaan khatarta ah
- Carruurta nafaqo-darradu ay heyso
- carruurta fiitamiin A-gu ku yartahay
- Carruurta dhallaanka ah
- Carruurta difaacoodu daciifka yahay

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.