Email Instagram Facebook YouTube

Muxuu yahay CPR yaase u baahan!


CPR (Cardiopulmonary resuscitation) micnaheedu waa dib-u-soo-kicinta Wadnaha iyo Sambabada. 
  • Cardio= Wadnaha 
  • Pulmonary= Sanbabada 
  • Resuscitation= Dib-u-soo-kicinta/nooleyn

CPR, ama dib u soo kicinta sambabada iyo wadnaha, waxaa u baahan qof kasta oo la kulma xaalad Wadnaha ama Sanbabadu ay shaqada joojiyaan,markaas oo wadnuhu si wax ku ool ah u joojiyo garaaca ama neefsashadu joogsato.

Dadka aan falcelinta lahayn, aan si caadi ah u neefsanayn ama ay ka muuqato in neeftu ku dhagayso ama neefsasho kala googo’an, oo aan lahayn Wadne garaac la ogaan karo waxay u baahan yihiin CPR deg-deg ah si loo loogu soo celiyo socodka dhiigga iyo oksijiinta xubnaha muhiimka ah.





Xaaladaha Badanaa saameya Wadnaha iyo Sambabada


  • Wadnaha oo istaaga (Cardiac arrest)
  • dhaawac (trauma) 
  • ​​​​Ku hafashada biyo (drowning) 
  • Margashasa (choking) 
  • Koronto ku qabsata (electrocution) 
  • Daawo xad-dhaaf loo isticmaalay (drug overdose) 
  • Ka falcelin xasaasiyadeed oo daran. ( Severe allergic reactions) 




Qormadaan waxaan tusaale ahaan u soo qaadan donaa Qof xaalad Wadne istaag ah la kulmay.

CPR-Waa hab deg-deg ah oo nafta lagu badbaadiyo marka wadnuhu joojiyo garaaca (wadne istaagga).
Wadne istaaggu wuxuu dhacaa marka wadnuhu si lama filaan ah u joojiyo garaaca, taas oo joojinaysa socodka dhiigga ee jirka. Tani waxay keentaa miyir beelid haddii aan wax tallaabo deg-eg ah la qaadina waxay horseedaa dhaawac maskaxeed ama dhimasho daqiiqado gudahood.


Wadne istaagu wuxuu dhacaa marka nidaamka korontada wadnaha uu cilladoobo, taas oo keenta in qaab aan sax ahayn ama joogto ahayn wadnuhu u garaacmo sida (ventricular fibrillation) taas oo ka hortagaysa Tuuristii dhiigga ee wadnaha. Dhibanayaashu badanaa si lama filaan ah ayay u dhacaan, way neefsan karaan ama waxay u ekaan karaan inay neefsanayaan, laakiin ma lahan wareegga dhiigga oo wax ku ool ah. Si ka duwan wadne xanuunka, oo ah dhibaato wareegga dhiigga ah, wadne istaaggu waa cillad korontada wadnaha ah oo u baahan faragelin degdeg ah.




Waxaa jira noocyo kala duwan oo CPR ah, mid walbana wuxuu ku habboon yahay da'da dhibbanaha iyo heerka tababarka qofka caawinaya. Iyadoo hadafku had iyo jeer yahay in dhiigga oksijiinta leh uu ku sii socdo ama gaaro maskaxda, haddana farsamooyinku way kala duwan yihiin si loo hubiyo badbaadada iyo waxtarka. Waxaan Hoos kugu Soo gudbin donaa nooca ugu sahlan ah CPR-ka ee ay tahay inaad ogaato:

CPR-ka Gacmaha Kaliya


waa habka lagula taliyo dadka aan tababarka caafimaad lahayn ee arka qof weyn ama dhallinyaro ah oo si lama filaan ah u dhacay. U wac gargaarka deg-dega.

Waxaad hubineysaa garaaca halbowlaha qoorta (carotid) iyo kan gacanta (radial), haddii aadan dareemin garaac wax ku ool ah. Bukaankuna uusan  jawaabin celineyn ama  miyir-beddelan yahay, Waxaad isla markiiba bilaabaysaa CPR-ka gacmaha oo keliya ah haddii uu neefsanayo.

Habka loo sameeyo

  1. Farsamada: u jiifi dhibanaha dhabarka, haddi uu san wadna garaac lahayn si adag oo dhaqso ah hoos ugu riix bartamaha laabta. 
  2. Heerka: 100 ilaa 120 jeer cadaadis riixid ah daqiiqaddii (ilaa garaac la helo). 
  3. Qoto dheerida: 5 sentimitir hoos u riix bartamaha laabta (dadka waaweyn). 
  4. Sababta loo isticmaalo: waa ay fududahay in la xasuusto waxayna meesha ka saartaa shakiga dad badan ay ka qabaan taabashada sida in ogsijiinta laga siiyo dhibanaha afkiisa-iyo-afka kale. 

CPR-ka gacmaha kaliya keliya waa cadaadis xabadka oo joogto ah iyada oo aan la helin neefsasho siin badbaadin ah, wuxuuna ku habboon yahay dadka aan tababarka caafimaad lahayn ee dhacdadan la kulma. Si adag oo dhaqso ah ugu riix bartamaha laabta adigoo isticmaalaya cadaadis 100-120 jeer daqiiqaddii, taas oo u oggolaaneysa kor u kaca cadaadiska, waxaadna dhiiga ku wareejineysaa gacmahaga, iyadoo oksijiin gaarsiisa xubnaha muhiimka ah sida maskaxda ilaa ay ka timaado caawimo xirfadeed.

Inshaa ALLAH qormo kale ayaan ku soo gudbin donaa Noocyada kale ee CPR-ka


Comments