Akhriska iyo waxbarashadu waxay udub dhexaad u ahaayeen horumarka aadanaha qarniyo badan. Ardayda da'da yarna ma ahan kaliya Wax akhriska faa'iidadiisu inay ka gudbaan Imtixaanada Dugsiyada iyo Jaamacadaha ama shuruudaha kale tacliinta laakiin aad ayey uga badan yihiin.
wax Akhrisku waa mid kamid albaabada korriinka shakhsi ahaaneed, waxaana lagu bartaa xirfadaha nolosha muhiimka ah ee la taaban karo, iyo wax cusub ku soo biirinta bulshada.
wax Akhrisku waa mid kamid albaabada korriinka shakhsi ahaaneed, waxaana lagu bartaa xirfadaha nolosha muhiimka ah ee la taaban karo, iyo wax cusub ku soo biirinta bulshada.
Faa'iidooyinka wax ku oolka ah ee akhriska iyo waxbarashada
- Horumarka garashada: akhrisku waxa uu kobciyaa maskaxda, waxaa uu kor u qaadaa Erayada, fahamka, fikirka muhiimka ah, iyo xusuusta. Wax Akhristayaasha waxa ay horumariyaan feejignaanta iyo garaad wanaagsan, Xusuus dheer, iyo awoodaha xalinta dhibaatoyinka.
- Guusha xaga Waxbarashada: wax akhriska joogtada ahi waxaa uu dhisaa Nafta. Ardayda sida joogtada ah wax u akhriya oo wax u barata waxay inta badan gaadhaan darajooyin sare waxayna kobciyaan dareenkooda hiigsada meel sare.
- U Diyaargarowga Mustaqbalka: Caadooyinka waxbarashada iyo wax Akhrinta hore ee Ardayda waxay dejiyaan aasaaska waxbarashada nolosha oo dhan. La qabsigani waxa uu aad muhiim ugu yahay dunida isbedbedeleysa oo xirfado cusub si joogto ah loogu baahan yahay.
Faa'iidooyinka Taariikhiga ah iyo Aragtida Akhriska
- Ilaalinta aqoonta: Taariikh ahaan, akhriska iyo waxbarashadu waxay muhiim u ahaayeen ilaalinta iyo gudbinta dhaqanka, sayniska, iyo falsafada. Ilbaxnimooyinka qadiimiga ah, laga bilaabo Masar ilaa Giriiga waxay qiimeeyeen maktabadaha waxayna ku dhiirigeliyeen raadinta cilmi-baarista si ay u dhisaan oo ay u ilaaliyaan bulshooyinkooda.
- Diinteena Islaamku: waxaa ay dhiiri galisaa wax Akhriska iyo waxbarshada Taasaale Amarkii Nabiga SCW Ee ahaa.
“Raadinta Cilmigu waa waajib saaran muslim walba”
sidoo kale diinteenu waxaa ay inoo sheegtay in wax Barashadu dhallinyarada barayso Edeb, Sabir, Run sheegid iyo dad la dhaqan wanaagsan.
- Horumarka Bulshada: Faafinta akhriska iyo qoraalka ayaa inta badan calaamado waaweyn u ah Hormarka iyo Taariikhda.
- Awood-siinta: Helitaanka agabka wax-akhriska iyo waxbarashadu waxa ay tiir u ahayd xoojinta iyo sinnaanta. Mar kasta oo ay koox cusubi helaan karti ay wax ku akhriyaan oo ay wax ku bartaan, waxay qaateen door firfircoon oo ku saabsan go'aan-qaadashada iyo abuurista Hab-dhaqanka Bulshada.
- ka shaqeeyan sidii Ardayda da'da yari u heli lahaayeen buugag iyo agabka kale ee waxbarashada oo kala duwan ee ay u baahan yihiin.
- In la Kobciyo jawi wax-akhris oo togan guriga iyo fasalka dhexdiisa labadaba.
- Ku dhiiri gelinta, xiise u yeelida iyo ka doodista mawduucyada ay ardaydu akhrinayaan.
- In la semeeyo Akhris tusaaleyn iyo barashada wax Akhrinta nolosha oo dhan sida barashada waxyaabo qiimo leh oo kala duwan.
Wabillahi Towfiiq
Thankz
ReplyDelete