.png)
- Dhisida Caadooyinka yaryar: Horumar yar oo maalinle ah oo aad sameysid xitaa 1%, waa Wanaag kuu kordhay, waana ay kuu ururayaan, waxaadna arki doontaa Isbeddello wanaagsan oo la taaban karo waqti ka dib, halka hoos u dhaca yar yar ee joogtada ah uu isna si xun u kobcayo.
- Caadoyinka yar yar ee wanaagsan iyo shaqsiyada qofka: Caadooyinka yar yar ayaa qaabeeya Hab dhaqanka iyo shaqsiyada qofka, Halkii aad diirada saarilahayd yoolalka waa weyn, awooda saar inaad noqotid qof ka kooban caadooyin yar yar oo wanaagsan, Caado kasta waxaa ay ku sahlaysaa inaad noqotid nooca qofka ee aad rabto inaad noqotid.
- Fahmida Marxaladda wareega Caadoyinka: Caadooyinku waxaa ay maraan ama ka koobanyihiin 4 Marxaladood oo kala ah sidaan
- Cue(trigers): kiciye- waxyaabaha bilaaba ku fikirida caadada
- Craving(motivation): Dhiirigaliye- waxyaaaha dhiirigaliya sameynta caado cusub
- Response(action): Sameynta Caadada- kadib 2-bada Marxaladood ee hore waxaa xiga Sameynta caadada ficil ahaan.
- Reward(satisfaction): ku qancitaan ama abaal marintii caadada qaab fariin sidayaasha maskaxda ah sida dopamine oo ah fariinsidaha farxada ee maskaxda, ama Hadal iyo ficil abaalmarin ah ah oo heshid.
- Raacida Afarta(4) Sharci ee Isbeddelka Caadoyinka: Si loo abuuro caadooyin wanaagsan waa inad raacdid 4 ta sharci
- Si cad u qeex waxaad ka dhigtaa caado-kiciyaha(cue) mid cad sababta oo ah waa furaha ugu horeeya waana muhiim
- Ka dhig Caadada mid soo jiidasho leh si aad kor ugu qaadid dhiirigaliyaha(Craving).
- Ka dhig mid fudud oo fududee si aad u yareysid cadaadiska kaa hor imaan kara
- Ka dhig mid aad ku qanacdid si aad Xoojisid Abaalmarinta aad helaysid Nafsi ahaan.
"Si aad u jebiso caadooyinka xun xun, u rog mabaadi'daan dhica kale"
- Arrimaha Deegaanka: Naqshadeynta deegaankaaga si ay u taageerto caadooyinka wanaagsan iyo in la yareeyo soo-gaarista caadooyinka xunxun waxa ay ka dhigaysaa isbeddelkaga mid fudud.
- Joogteynta iyo dulqaadka: Horumarka aad ku tilaabsatay samayntiisa ee ka dhalatay caadooyinka wanaagsan waxay noqon kartaa mid gaabis ah oo aan la arki karin marka hore, Laakiin sii wadida joogtada ah iyo la socodka hormarka caadooyinka waxay dhistaa dardar waqti ka dib.
Mabaadi'daani waxay kaa caawin karaan in ay u beddelaan caadooyinka yaryar horumar nololeed oo ballaaran iyada oo loo marayo hab dhaqan nidaamsan oo waara.
Dhamaad
Comments
Post a Comment
Thanks for your comment! You can email me at Info.deeqhealth@gmail.com if you need more help.