Shuban Biyoodka iyo Ku Sumowga Cuntada

Shubanka faafa(Infectious diarrhea) waa bilamida degdega ah ee Shubanka sida saxarada xad-dhaafa oo biyo biyo ah, waxaana sababa si toos ah ama si aan toos ahayn cudur-sideyaasha Ilma-aragtayda ah(microbial pathogens).


Saameynta Xanuunka 


  • Aduunka oo dhan waa xanuunka 2aad Ee dadka ugu badan asiiba sidoo kale waa xanuunka 2aad Ee ugu dhimashada badan.
  • Waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 3 milyan oo qof in ay u dhintaan sanadkii aduunka oo dhan waxana ugu badan Caruurta wadamada Soo koroya iyo dadka da’doodu weyn tahay.


Tilmaamaha & Qiimaynta Shubanka Bakteeriyadu keento 

  1. Shuban aad u badan biyo biyo ah iyo fuuq bax 
  2. Qandho ka sareysa 38.5ċ
  3. Muddada jirrada oo kabadan 48 saacadood 
  4. Caruurta ama Dadka da’da 
  5. calool xanuun daran
  6. Isticmaalka Antibiyootigyadii dhawaa: caabuqa ay keenan daawoyinka qalajiha loo yaqaan Ee Clostridioides
  7. Saxaro mug yar oo soo noqnoqta oo ka kooban dhiig iyo xab waxay tilmaan u tahay (Acute Dysentery) Bakteeriyada Shigella species.

Maxaa keena 

  1. Kooxda Bakteeria-yada ah Ee keena shubanka ba'an ayaa badanaa ah kuwa ku duula oo waxyeello u geysta xuubka xiidmaha, oo badanaa keena shuban dhiig leh (dysentery) oo leh qandho iyo uurku jirta oo xanuunta.
  2. Inta badan fayrasyada sababa shubanka (tusaale, rotavirus, norovirus) waa kuwo aan waxyeeleyn xuubka mindhicirada waxa ay keenan shuban biyood laakiin ma keenan Saxaro dhiig leh.
  3. Sababaha kale Ee keeni kara waxaa ka mid ah ku-sumowga cuntada, waxyeelo,  daawadoyinka qaar iyo marmar gudbinta galmada ee caabuqyada mindhicirka.

Bacteria-yada 

  • Shigella species
  • Salmonella species 
  • Campylobacter jejuni
  • E.Coli
  • Yersinia enterocolitica

Sumowga Cuntada

  1. Bilawga sumowga cuntada
  2. Caadiyan caalamaduhu waxay bilamaan 2-7 saacadood 
  3. Matag ayaa aad u badan 
  4. Cunista Cuntada ee dhawaa Ka hor Shubanka 
  5. 8-16 saac cuntada kadib Shuban biyoodka badan ee bilaama sayaa tilmaamaya in sunta la sameeyey ka dib cuntada wasakhaysan oo Bakteeriyo leh.

Virus-yada 

  1. norovirus
  2. rotavirus

Calaamadaha Guud 

  • Saxaro dabacsan ama biyo leh oo soo noqnoqda
  • Calool xanuun iyo majiirasho 
  • Lalabbo iyo matag
  • Qandho (mararka qaarkood) Ama Qabdho ka badan 38.5ċ haddi bacteria-yadu tahay sababta 
  • Calaamadaha fuuq-baxa sida afka oo qallalan, dawakhaad, iyo soo-saarida kaadida oo yaraata.

Baaritaanada

  • Dhakhtarku waxaa uu ogaanayaa Taariikhda bukaan Ee qofka waxaa baaritaan ku semeynayaa oo eegaya Jirka bukaan iyo calaamada fuuqbaxa.
  • Sheybaarka saxarada oo ay ku jirto microscope, ogaanshaha nooca Bakteeriyada(Culture), iyo PCR ayaa laga yaabaa in loo baahdo cudur-sidaha qaar, gaar ahaan haddii shubanku uu daran yahay, dhiig badan yahay, ama joogto yahay.
  • baaritaanka dhiigga
  • colonoscopy marar dhif ah

Daaweynta 

  • Fuuq-celin afka ah (ORS)
  • dareeraha xididka xaaladaha daran (IV Fluid)
  • Daawaynta Qandhada iyo Mataga badan 
  • Antibiotics-ka waxaa dib loogu dhigayaa infekshannada bakteeriyada qaarkood waxaana la bilaabayaa kadib xaqiijinta ama haddii shaki xoog leh laga qabo.
  • Waxaa laga fogaanayaa daawooyinka shubanka ka hortagga xaaladaha shubanka dhiiga leh ama infekshanka la tuhunsan yahay
  • Baridda bukaanka Nadaafadda iyo badbaadada Cuntada si looga hortago faafidda ama soo noq noqoshada.




Comments