Gawracatadu (Diphtheriae)waa caabuq bakteeriyo oo halis ah oo ay keento Corynebacterium diphtheriae oo ugu horrayn saameeysa xuubabka Sanka iyo Cunaha.
Calaamadaha Xanuunku waxay caadi ahaan bilaamaan 2 ilaa 5 maalmood ka dib soo-gaarista Bakteeriyada waxaana ka mid ah cunne xanuun, qandho, qanjirada qoorta oo barara, iyo xuub qaro weyn oo cawl ama cad (pseudomembrane) oo daboolaya dhuunta ama qumanka, kaas oo maalmo kadib xannibi kara neefsashada iyo liqidda cuntada.
Caabuqu waxa kale oo uu sababi karaa qufac sida “Ciga” oo kale ah iyo xaaladaha daran waxa uu u horseedaa xirmidda hawo-mareen ama dhaawac soo gaara wadnaha, neerfayasha iyo kelyaha sababtoo ah sunta ay bakteeriyadu soo saarto.
Waxa sidoo kale jira nooc ka mid ah gawracatada waana gawracatada maqaarka oo sababta boogaha ama nabarrada maqaarka.
Calaamadaha muhiimka ah ee lagu garto
- Cuna xanuun iyo xabeeb
- Qandho iyo qarqaryo
- Qanjirada qoorta oo barara
- Xuub adag oo cowl ah oo dalqada dhuunta daboola
- Neefsashada ama liqidda oo ku adkaata
- Ka neefsashada sanka
- Daal iyo daciifnimo
- Boogaha maqaarka ee gowracatada maqaarka
Qaabka ay ku gudubto
Cudurku waxaa uu ku faafaa- Dhibcaha neefsashada/qufaca (gawracatada habdhiska neefsashada).
- Taabashada walxaha wasakhaysan oo bakteeriyada leh (gawracatada maqaarka).
Baaritaanada
- Gram staining sida Albert's stain waxaa uu Kaalmeyaa aqoonsiga bakteeriyada midabaynta gaarka ah darteed.Bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae waxay ka koobantahay phosphate group waxay na sameysaa labo midab oo buluug iyo guduud ah (blue red metachromatic granules).
- Elek test: ogaanshaha sunta bakteeriyada
- Schik test maqaarka
Ka hortaga & Daaweynta
- Talaalka:Toxoid Vaccine (DPT) - Xoojinta 10-kii Sano Mar.
- Tallaalka dadban:Antitoxin immunoglobulin- si looga takhaluso sunta.
- Penicillin iyo Erythromycin- waxaa loogu talagalay bukaanka-dadka xanuunka sida iyo dadka xiriirka dhaw la yeeshay bukaanada maadaama oo dhicaha neefta lagu kala qaado.
Comments
Post a Comment
Thanks for your comment! You can email me at Info.deeqhealth@gmail.com if you need more help.