Dhawaan Cudurka HIV Ma Daawo ayaa loo helayaa? Daawadaan Cusub Waxay muujineysaa Rajo


H
IV
 (Human Immunodeficiency Virus) waa fayras weerara hab-dhiska difaaca jirka, gaar ahaan unugyada CD4 (T-helper), kuwaas oo jirka ka caawiya la dagaalanka caabuqyada. Haddii aan la maarayn, HIV wuxuu si tartiib tartiib ah u wiiqaa habka difaaca jirka, taas oo Qof ka ka dhigaysa mid u nugul infekshannada iyo kansarrada kala duwan.

AIDS (Acquired Immunodeficiency Syndrome) waa heerka danbe ee caabuqa HIV, oo lagu garto habka difaaca jirka oo aad u dhaawacmey iyo Soo ifbaxa caabuqyada ka faa’iidaysta daciifida difaaca jirka (opportunistic Infections) ama kansarrada.

In ka badan 40 sano oo cilmi baaris ah ka dib, infekshanka HIV hadda waa mid la maarayn karo oo aan ahayn xaalad dabadheerata oo dilaa ah. Marka bukaanku qaato daaweynta Antiretroviral (ART), shakhsiyaadka qaba HIV waxay ku noolaan karaan nolol caadi ah mana ku gudbiyaan fayraska galmada kadib marka cadadka fayraska aan lagu ogaan karin sheybaarka fayraska oo aad hoos ugu dhacay darteed.

In kasta oo ay jiraan horumarkaas iyo tobanaan sano oo cilmi-baaris xoog leh, Cudurka weli lama daweyn karo. Marka laga reebo xogaa yar, dhammaan dadaalladii lagu doonayey in si joogto ah looga takhaluso fayraska HIV waa lagu guul-darreystay.
Cilmi-baarayaal Faransiis ah ayaa xasuusiyay bah wadaagta caafimaadka in daawaynta HIV ay suurtagal tahay maqaal lagu daabacay Lancet HIV. Maqaalku wuxuu ku baaqay in la dhiso guulihii hore iyo in mudnaanta la siinayo daawaynta cudurka iyada oo ay jirto dhimis caalami ah ee daaweynta HIV.

In kasta oo ay jiraan daawayn wax ku ool ah iyo xeelado ka hortag ah, hadana 630,000 oo qof ayaa adduunka ugu dhintay cudurrada AIDS-ka la xiriira, 40.8 milyan ayaa la nool HIV, iyo 1.3 milyan ayaa qaaday cudurka. Sida laga soo xigtay qorayaasha, tirooyinkani waxay hoosta ka xariiqayaan baahida deg-dega ah ee Daawo daaweyn karta Xanuunka, haddii aan lagu guulaysan helida daawo masiibadaan ma dhammaan karto daawo la'aan.

Laakiin Cilmi-baarisyadii  iyo Horumaradii u dambeeyay ayaa muujiyey Rajo fiican, Suurto galna ka dhigay in la helo daawo markii ugu horeysay taariikhda cilmi baarista HIV.

Comments