POPULAR POSTS

Email Instagram Facebook YouTube

Faa'iidada Cabida Biyaha Diiran




Dunida oo maanta ay ka buuxaan isbeddello caafimaad iyo cuntooyin kala duwan, caado dhaqameed fudud oo Shiineys ah ayaa weli si xooggan u taagan; cabitaanka biyaha kulul Inkasta oo ay dad badan oo Soomali ah ula muuqato wax layaab leh in biyo kulul lagu siiyo xitaa maalmaha kulul ee xagaaga, dadka Shiineyska ah waxay tan u arkaan caado maalmeed muhiim ah oo caafimaadkeeda leh.
Tani ma ahan keliya caado dhaqameed; Balse waa dhaqan ku saleysan Caadooyinka Iyo Daawo dhaqameedka Shiineeska (Traditional Chinese Medicine – TCM), waxaa bilaabay in ay Daraaseeyaan dadka Aduunka oo dhan sababtoo ah faa’iidooyinka caafimaad ee la xaqiijiyay in ay leeyihiin owgeed.
Asalka Caadada: Daawo Dhaqameedka Shiineeska
TCM waxay aaminsan tahay in caafimaadka qofka uu ku tiirsan yahay isku dheelitirka xoogagga Jirka, kuwaasoo ah qabow iyo kulayl, nasasho iyo firfircooni. Waxaa la aaminsan yahay in caloosha iyo beerku ay jecel yihiin kulaylka, isla markaana biyaha qabow ay dhaawacaan dheefshiidka oo ìay keenaan “qabow gudaha ah” ama “dareer xad-dhaaf ah”.
Biyaha kulul, sida laga aaminsan yahay Marka la joogo Daawo Dhaqameedka Shiineyska ee TCM:
• Waxay kululeeyaan xubnaha gudaha
• Waxay xoojiyaan dheefshiidka
• Waxay kiciyaan wareegga dhiigga
• Waxay caawiyaan sifeynta jirka
• Waxay kor u qaadaan tamarta jirka 
• Waxay ballaariyaan xididdada dhiigga ee caloosha
• Waxay kiciyaan enzyme-yada dheefshiidka
• Waxay yareeyaan calool-fadhiga iyo dhiig-karka
• Waxay Kordhiyaan qoyaanka jirka
• Waxay caawiyaan kaadida iyo dhididka
• Waxay nadiifiyaan dhiigga
• Waxay caawiyaan Shaqada Dheefshiidka
• Waxay fududeeyaan waxyaabaha xannibaya sanka
• Waxay kordhiyaan neefsashada fudud
• Waxay keenan in La dareemo dhereg degdeg ah
• Waxay yareeyaan  rabitaanka cunnada
• Waxay kiciyaan habka gubista baruurta
• Waxay yareeyaan murqaha qallalan
• Waxay dejiyaa neerfayaasha
• Waxay kordhiyaa hurdada habeenkii


TALO

Subax kasta: Cab koob biyo kulul markaad toosto.
Xilliga cuntada: Ka fogow biyo qabow, cab biyo kulul oo fudud.
Kahor hurdada: Koob biyo kulul leh Sanjabiil ama malab si aad u nasto.
Liin dhanaan – Vitamin C iyo dheefshiid wanaagsan
Ginger (Sanjabiil) – Ka hortagga caabuqa!
Malab – Dejinta hunguriga iyo xanuun yareynta
Qorfe ama minti – Wareegga dhiigga iyo dhadhanka
Sababtaas awgeed, dad badan oo Shiinees ah waxay maalin walba u cabaan biyo kulul, waxaana lagu arkaa xaafadaha, xafiisyada, iyo xitaa tareennada.


Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo 

Maanta, cilmigu wuxuu bilaabayaa inuu xaqiijiyo waxa TCM ay sheegtay qarniyo ka hor. Cabitaanka biyaha kulul waxaa la ogaaday inay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo muuqda:

1. Dheefshiid Fiican

Biyaha diiran: sida ay Daraasado caafimaad muujiyeen cabitaanka biyaha diiran waxa ay yareeyaan calool xanuunka, caabuqa caloosha, iyo Gaaska.

2. Sifeynta Jirka

Jirka bini’aadamka si dabiici ah ayuu isku  sifeeyaa, balse cabitaanka biyaha kulul wuxuu kor u qaadaa sifeynta iyada oo uu: Cabitaanka biyo kulul subaxii hore wuxuu gaar ahaan caawiyaa sifeynta sunta jidhka.

3. Yareynta Qufaca iyo Sanka oo Xirma

Biyaha kulul waxay: Xitaa cabitaanka cabbitaannada kulul sida shaaha ama biyaha leh liin iyo malab ayaa la ogyahay inay dejiyaan hunguriga iyo cunaha.

4. Xakameynta Miisaanka Jirka

Biyo kulul ka hor cuntada waxay ka caawin karaan in: Inkastoo aysan ahayn daawo miisaanka lagu yareeyo, waxay qeyb ka tahay dhaqamada caafimaad ee kaa caawin kara miisaanka.

5. Wareegga Dhiigga iyo Nasashada

Cabitaanka biyaha kulul wuxuu: markaad cabto biyo kulul kahor hurdada, gaar ahaan kuwa leh liin, malab, ama Sanjabiil, waxay kaa caawin kartaa inaad si dagan u seexato.

6.Dhaqan Ka Baxsan Caafimaadka

Shiineesku markay yiraahdaan “hē diǎn rè shuǐ” “喝点热水”(cab biyo kulul), waxay muujinayaan daryeel iyo naxariis. Waa talo si la mid ah sida aan u dhahno “cab maraq” markay qof xanuunsan yahay. Tani waxay muujinaysaa sida caadadaasi ugu lamaan tahay noloshooda.

Sidee Looga Dhigi Karaa Qayb Noloshaada Ka Mid Ah?

Haddii aad rabto inaad dhaqankan qaadato, isku day sidan: waxyaabaha Lagu Dari Karo Biyaha Kulul ku dar so Si aad ugu yeesho dhadhan iyo faa’iidooyin dheeri ah.


Gunaanad

In kasta oo adduunku ku mashquulsan yahay dawooyin cusub iyo cabbitaanno qaali ah, cabitaanka biyaha kulul waxay muujinayaa in mararka qaar xalalka ugu fiican ay yihiin kuwa ugu fudud.Dhaqankan Shiineys-Ka ah wuxuu isku darayaa xikmad dhaqameed iyo caafimaad casri ah.
Marka xigta ee aad biyo cabbayso, isku day biyo diiran. Waxaa laga yaabaa in jirkaaga iyo maskaxdaada ay kuu mahadnaqaan.
Mahadsanid.

Comments