Syphilis oo Soomalidu u taqaano Waraabowga ama Isfiilato waa xanuun dabadheerada oo mara marxalado 4 ah oo kala duwan. Xanuun kani waxaa uu kamid yahay Xanuunada lagu kala qaado galmada (STDs) waxaana Sababa Bakteeriyada Treponema pallidum.
“Spiro” = spiral= wareegsan
“Chete” (waa eray Greek ah= chaite) = Timo:
➡️ Macnaha“spiral hair-like organism” noole il maragtay ah oo sida Tinta Soo kale ah oo wareegsana. Waxaa ay ku leedahay lugo yar yar oo loo yaqaano (Flagellar Filaments) qeybta dhexe Ee bakteeriyada Ee la yiraahdo perisplasmic space.
Treponema pallidum
Treponema pallidum waa bakteeriyo aad u dhuuban oo war wareegsan(spirochete).Haddii an kala qaadno Erayga Spirochete:“Spiro” = spiral= wareegsan
“Chete” (waa eray Greek ah= chaite) = Timo:
➡️ Macnaha“spiral hair-like organism” noole il maragtay ah oo sida Tinta Soo kale ah oo wareegsana. Waxaa ay ku leedahay lugo yar yar oo loo yaqaano (Flagellar Filaments) qeybta dhexe Ee bakteeriyada Ee la yiraahdo perisplasmic space.
Flagellar filament: Waa sida xargo yar yar o dhuuban oo ka samaysan borotiin (flagellin) kaas oo u oggolaanaya bakteeriyada inay ku dabaalato ama u dhaqaaqdo dareeraha dhexdiisa.
Treponema pallidum laguma arki karo weyneysada Iftiinka leh (light Microscope) Sababtuna waa dhuubnideeda saa’idka ah darteed waxaa loo adeeg sadaa Dark Field Microscope.
Sidee ku gudbaa xanuunka waraabowga Syphilis
Bakteeriyada Treponema pallidum Waxaa ay ku gudubtaa ama lagu kala qaadaa galmada ama Qof Xanuunka qaba oo dhiigiisa lagu shubo Qofkale ama si toos ah u gaara nabar ama meel furan Ee jirka qof kale. Waxaa ay sidoo kale dhex martaa meel furan oo jirka kamid ah ama si toos ah ayaa ay u dilaacisaa meel kamid maqaarka sida xubnaha taranka ama Afka haddii gogol dhexmarto qofka qaba xanuunka iyo qof kale oo caafimaad qabay.Kadib waxaa ay ku faaftaa Lymphatic system oo ah qeyb kamid ah difaaca jirka iyo xididada, Intaas kadib bakteeriyadii dhiiga raacday waxa ay saamey saa xuubka hoose Ee xididada iyo xubnihii kale.
Xanuunka Syphilis (waraabowga) iyo Qiyaasaha Caalamiga ah
Waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 11 milyan oo kiisas cusub ah aduunka oo dhan sanadkii.Marka la eego qiyaasaha caalamiga ah ee Hey’ada Caafimaadka Aduunka (WHO) ay taageeraysay Sannadkii 2012, qiyaasta haweenka uurka leh ee adduunka oo dhan ee uu asiibay xanuunka waraabowgu waxa ay ahayd ku dhawaad 996,000. Baahiddu waxaa ay ahayd mid xasiloon ilaa 2016, oo ahayd 988,000 Haween uur leh oo waraabow Cusub ku dhacay (active syphilis). Tani waxaa ay xaqiijinaysaa in ku dhawaad 1 milyan oo haween uur leh sannadkii lagu qiyaaso in ay cudurka qabaan adduunka oo dhan. Ku dhawaad 50% kiisaska Xanuunkan ee Haweenka uurka leh Ee aan helin daaweyn ku filan waxaa ka dhasha saameyn aan wanaagsaneyn Sida
- Uur jiifka oo dilma
- Ilmaha oo uurka ku dhinta
- Ilmaha oo yaraan ku dhinta
- Ilmaha oo miisan yar ku dhasha
- Ilmaha oo leh Calaamada waraaboyga lagu dhasho
Hey’ada Caafimaadka Aduunka Ee WHO waxa ay sidoo kale Bixisay Xogta Cawaaqib xumada ka dhalatay Hooyoyinka uu Asiibay Xanuunka Waraabowga Ee aan Helin Daaweyn ama Daaweyn ku filan.
Sannadkii 2016, WHO waxay ku qiyaastay ilaa 661,000 kiis oo waraabowga lagu dhasho ah (CS), oo ay ku jiraan 355,000 kiis oo saameyn dhalasho oo xun ah oo ay Kamid yihiin:
- 143,000 Dhimasho hore ee uurjiifka ama xiliga dhalmada
- 61,000 dhimashada dhallaanka
- 41,000 dhallaanka hore u dhasha ama miisaan yar ku dhasha
- 109,000 oo dhallaan ah oo leh calaamadaha bukaan-socodka ee waraabowga lagu dhasho
- Natiijooyinkan xun xun ayaa inta badan laga hortegi karaa lana Daaweyn karaa haddii la sameeyo baaritaan hore lana ogaado Xiliga Uurka.
4-ta Marxaladood Ee uu maro Xanuunka Syphilis ( Waraabowga ama Isfiilato)
Marxaladda koowaad:
Nabar aan xanuun lahayn (chancre/site of Inoculation) ayaa ka soo baxa goobta caabuqa (xubnaha taranka, afka) badanaa 2 ilaa 6 toddobaad ka dib soo-gaarista Bakteeriyada. Nabarku si iskii ah ayaa uu u bogsadaa 3-6 toddobaad gudahood, laakiin infekshanku wuu sii jiraa waxaana qofku u gudbin karaa Dadka kale.

Waa Nabar/Boog dheecaan leh oo qaab wareeg sida ukunta oo kale ah leh oo haddana Qoto dheer, wax Xanuun ah malaha waana halka ay bacteria-yadu dhexmartay.
Meelaha uu badanaa ka Soo baxo
- Xubnaha Taranka
- Agagaarka xubnaha Taranka
- Afka gudihiisa ama bishimaha iyo meelo kale
Aad ayaa loo Garan ogyahay badanaa iyada oo laga eegayo caalamada aan kor ku Soo sheegnay. Waxaa uu iskii u bogsadaa 3-6 asbuuc kadib.
Marxaladda labaad:
Waxay dhacdaa toddobaadyo ilaa bilo kadib bogsashada nabarka marxalada kowaad, waxaa uuna leeyahay astaamo ay ka mid yihiin finan Jirka oo dhan iyo (badanaa calaacalaha iyo cagaha), qanjirada oo bararsan, qandho, cune xanuun, daal, iyo timo go’id Ruqid. Calaamadahani waa ay imaan karaan waa na ay tagi karaan laakiin infekshanku wuu uu sii socdaa haddii aan la Daaweyn. Marxaladaan waxaa lagu naaneysaa ama loogu yeeraa “the great Imitator” macnaheedu yahay iska dhig dhigihii weynaa sababtuna waa Calaamadaan aan kor ku Soo sheegay waxaa ay ka Soo muuqanayaan qeybo kala duwan, Tiro badan oo jirka ah waxaana sido kale leh calaamadaan Cuduro ama Jirooyin kale oo kala duwan, waana ay adkaataa in Laga shakiyo Xanuunka syphilis markiiba.
Nabrahaan faraha badan ee maqaarka oo xitaa calaacaha gacmaha iyo cagta hoose lugaha ah waxaa ay leeyihiin calaamado looga garto Nabraha kale ee jirka ka soobaxa.
- Nabaro kuusan oo adag korna uga kacsan maqaarka qolofna ay saarantahay
- waa maqaar fidsan oo midabkiisu ka duwan yahay maqaarka ku wareegsan
- Nabar giraanta u qaabaysan oo leh aag dhexe oo cad oo kor u qaadan ama midabo kala duwan leh
- Nabar yar, wareegsan, ooka sarreeya maqaarka kale oo leh malax
- Tintada madaxa oo jaamo u daadata
Waxaa kale oo uu bukaanku dareemaa Calaamadaha ay kamidka yihiin Qandho hooseysa, Lalabo, Kala-goys Xanuun, murqo xanuun iyo qanjiro Xanuun guud.
Marka laga Soo tago Maqaarka Bakteeriyadu waxaa ay saameysaa marxaladaan 2aad qeybo badan oo Xubnaha jirka kamid ah waxaa ayna keenta Xanuun kala duwan sida:
1.Caloosha iyo dheefshiidka : dhexmarida iyo daloolinta Bakteeriyada Ee Caloosha ayaa lagu khaldaa mararka qaar Buro ama kansar colooleed.
- Bog xanuun
- Dareemida dhereg si deg-deg ah
- Lalabo iyo Maytag
2.Indhaha: Cornea interstitial keratitis cudur indhaha ah oo aad u culus wuxuu uuna horseedi karaa arag la’aan joogto ah.
3.Lafaha: Bararka xuubka lafaha(Periostitis)
4.Maskaxda: Waxaa ay keenta Barar ku yimaada xuubk maskaxda Ee meninges(Meningitis) Iyo Faalig.
Marxaladda Dahsoon:
marxaldaan ma jiraan calaamado muuqda laakiin ma istaagayo Cdurkii waxyeeleyntii Bakteeriyada Ee jirkuna waa ay sii socotaa. Marxaladani waxay socon kartaa sanado. Infekshanka faafin tiisu waa ay ka yar tahay sidii hore laakiin dhaawac ayaa Soo gaari kara xubnaha Bukaanka sida wadnaha, maskaxda, iyo neerfaha haddii aan la daweyn.Baaritaanada dhiigu waa muujinayaan Cudurka marxaldaan, haddii ka sameeyo.
Marxaladda Afaraad (dambe)
Waxay dhacdaa sannado ka dib caabuqa bilowgiisii, waxaa ay ku dhacdaa Bukaanda ama kiisaska aan la daweyn. Waxay keeni kartaa dhibaatooyin daran oo saameeya maqaarka, maskaxda, wadnaha, lafaha iyo habdhiska dareenka, taasoo keeni karta dhimasho haddii aan la daweyn.Wajiga: Nabar Boog ah oo jeexan
Waxaa ay Bakteeriyadu si tartiib tartiib ah ugu faaftaa oo waxyeelo Burburin iyo Caabuq barar ah u geysan kartaa ama u geysataa xubin kasta oo jirka kamid ah. Marxaldaan waxaa ay qaadan kartaa mudo 5 ilaa 30+ sano ah. Waxaana dhaca Dhacdoyin aan la saadaalin karin iyo Sii Xumasnsho waxyeelo lada Cudurka aan la ogeyn sida ay iskugu xigi Karan. Waxaana kamid Xaalado badan oo ay kamid yihiin;
- Nabar Boog ah oo jeexan waxaa uu Soo gaari karaa xubin walba balse badanaa waxaa lagu arkaa maqaarka sida Afka, Sanka, Bishimaha, Baalasha Indhaha, Xubnaha Taranka Iyo Dabada.
- Caloosha buro sida kansar calooleed oo kale ah
- Biyo xiranka maskaxda (hydroencephalus)
- Dhiig maskaxda ku furma(Stroke)
- Qalal(Seizures)
- Caabuqa Xuubka maskaxda (Meningitis)
- Halal gabid(Aphasia)
- Baaralays (paralysis)
- Shawada habdhiska qashin saarka oo lunta, sida kaadi haysta iyo xiidmaha.
Xaaladahaan si fiican ayaa looga Soo kaban karaa haddii la baaro oo la Daaweyo,
Calaamada
Shakhsiyada: waxaa uu dareemaa cabsi iyo dareen shucuur oo hoseeya
Dhaqdhaqaaqa adimada: waa deg-deg
Indhaha Maskaxda: dawakhaad iyo isla haddal ama arkida, maqlida ama dareemida waxyaabo aan hiring
Garaadka: xasuusta dhaw oo lunta, iyo sidoo kale lumada wax qiimeyntii aragtidii.
Hadalka: hadal boobsiis ah
Comments
Post a Comment
Thanks for your comment! You can email me at Info.deeqhealth@gmail.com if you need more help.