Baaritaanada & Daaweynta Cudurka Waraabowga (Syphilis)


 Baaritaanada

Baaritaanada Cudurka syphilis ama waraabowga waxaa loo kala qeybiyaa labo Nooc oo kala ah

  1. Non-Treponemal
  2. Treponema

  1. Non-treponemal Tests: waa baaritaanno dhiig oo loo isticmaalo ogaanshaha waraabowga oo lagu ogaado unugyada difaaca jirka(Antibodies) ee la soo saaray si looga jawaabo dhaawaca unugga jirka ee ay keento Bakteeriyada waraabowga, ee ma aha bakteeriyada lafteeda. Baaritaanadaan waxay ogaadaan unugyada difaaca jirka ee ka falceliya antigens-ka Bakteeriyada oo  laga yaabo inay ka yimaadeen bakteeriyada. Baaritaanadaan waxaa ka mid ah.
  • Venereal Disease Research Laboratory (VDRL)
  •  Rapid Plasma Reagin (RPR). 
Waa baaritaano fudud oo degdeg ah inta badana loo isticmaalo si loola socdo dhaqdhaqaaqa cudurka iyo jawaabta daaweynta. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay mararka qaar muujiyaan natiijooyin aan sax ahayd oo ay ugu wacan tahay Caabuqyo kale ama xaalado kale sida dadka Daroogada xididka ka qaata iyo haddii ay Bukaanku qabo Xanuunadaan hoose;
  • Malaria
  • Brucellosis 
  • HIV Infection 
  • Hepatitis C
  • Leprosy
  • Autoimmune diseases
Sidaas darteed natiijooyinka (positive)-ka ah waa in lagu xaqiijiyo baaritaanka nooca kale Treponemal.


2. Treponemal Tests: Baaritaanadaan si ka duwan kuwa hore waxay ogaadaan unugyada difaaca gaarka ah ee borotiinnada Bakteeriyada Treponema pallidum, oo si toos ah u muujinaya caabuqa. Aad ayaa uu u sareeyaa saxnaanshahoodu waxaana  loo isticmaalaa  xaqiijinta iyo ogaanshaha Waraabowga , laakiin ma kala saari karaan caabuqa Cusub iyo kii hore sababtoo ah unugyada difaaca jirka Ee muujinaya Cudurka ayaa laga yaabaa inay jirka bukaanka ku sii jiraan Noloshiisa oo dhan. Baaritaanadaan waxaa ka mid ah 

  • fluorescent treponemal antibody absorption (FTA-ABS) test
  • Treponema pallidum agglutination particle (TP-PA) test
  • Enzyme Immunoassays (EIA) test.


Daaweynta

  1. Marxalada 1aad: Penicillin G ama Bedel ahaa Doxycycline, Cefriaxone ama Tetracycline 
  2. Marxalada 2aad: Penicillin G ama doxycycline ama Ceftriaxone 
  3. Marxalada 3aad: Penicillin G ama Cefriaxone 
  4. Marxalada 4aad: Penicillin G

Comments