4 Cunto Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Caruurta

Ma ogtahay in kalluunka qasacadaysan ee Tuna oo aad guryaheenna looga isticmaalaa uu ka mid yahay cuntooyinka khatarta ku ah ilmahaaga? Sababtuna waa kalluunkan Tuna oo uu ku jiro xaddi aad u badan oo ah maadadda Mercury oo khatar ku ah labada kelyood iyo maskaxda carruurtaba. Haddaba maanta waxa aan akhristayaasha la wadaagaynaa cuntooyin Kalluunkani ka mid yahay oo aad jikada guryaha Somaliyeed looga isticmaalo, laakiin khatar ku ah caafimaadka caruurta da’doodu u dhaxayso 1 sano illaa Shan sano jir. Qormadan oo aynu  Afsoomaali u badalnay waxa aan ka soo xiganay shabakadda Women health oo aad uga faalloota caafimaadka qoyska.


1. Kalluunka Tuna

In kasta oo uu kalluunku faa’idooyin aad u badan u leeyahay caafimaadka, haddana khubarada caafimaadku aad ayaa ay uga digaan in la siiyo carruurta da’doodu ka yar tahay Shan sano jirka. Sababtuna waa maadadda Mercury oo caadi ahaan aad ugu badan nooca kalluun ee Tuunaha loo yaqaanno, waxaana la og yahay in maadaddani ay khatar ku tahay shaqada kelyaha iyo maskaxda qofka, gaar ahaan caruurta.


2. Malabka

Malabku waa dawo uu Islaamku hore u caddeeyey oo Qur’aanka ku xusan, cilmiga casriga ahina uu marar badan qiray in uu dawo ka yahay cudurro aad u tiro badan iyo xitaa dhaymaha nabarrada khatarta ah. Laakiin haddana dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay ka digayaan in malabka la siiyo caruurta bilaha hore ee da’dooda ku jira,

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay sheegeen in malabku uu ka miisaan weyn yahay ilmaha dhashay, maadaama oo ay ku jirto bakteeriyo lagu magacaabo Clostridium botulinum, taas oo ilmaha  bilaha keliya jiray ku keenaysa xanuunka lagu magacaabo Infant Botulism oo ah nooc ka mid ah bakteeriyada oo aanu u adkaysan karin jidhka ilmaha yare e dhashay, khatarna ku ah noloshiisa.


3.Nooc kamid ah Lawska

Nooca kamid Ka ah Lawska ee layiraahdo Almonds waxaa ku jira xaddi badan oo ah curiyaha lagu magacaabo Hydrogen Cyanide oo ilmaha ku keena sumow.waxaa jira laba nooc oo lawska ka mid ah; mid macaan iyo mid qadhaadh leh, haddaba cunitaanka lawska macaan khatar aad u weyn kuma laha caafimaadka, laakiin lawska dhadhankiisa qadhaadhku ku jiro toddoba xabbo oo keliya oo ilmuhu ka cunaa waxa ay ku keenaysaa sumow halis ku ah caafimaadkiisa.


4. Iniinyaha Khudradda

Khudradaha iniinyaha (seeds) leh sida Xabxabka/Qaraha iyo Liinta waxa inta badan iniinyahoodaku jira isla curiyaha lagu magacaabo Hydrogen Cyanide oo ah isla curiyaha ku jira lawska, waxa aanu carruurta ku keenaa sumowga, gaar ahaan marka ilmuhu uu xaddi badan oo iniinyahan ka mid ah liqo ama sharaabka loo shiidayo u raacaan. Si kastaba ha ahaatee, way adag yihiin waxayna sidoo kale noqon karaan khatar ku saxasho ah oo ku dhacda carruurta, sidaa darteed waa in laga saaraa ka hor inta aan la siinin cuntooyin ama cabitaanno ay ku jiraan Iniina haan.


Comments

QORMOOYINKA UGU CAANSAN

Noocyada kala duwan ee fiitamiinada & faa’iidooyinkooda: Types of Vitamins and their benefits to human beings

5 Cunto oo xoojiya muhiim na u ah difaaca jirka!

Cudurka Qanjo bararka (Qaamo-qashiir) Calamadihiisa Mareyntiisa iyo Tallaalkiisa