Maxaa Jirkaaga Ku Dhacaya Marka Aad Maalin Kasta Cabtid Sinjibiil Muddo Hal Bil Ah?
Cunista qadar yar oo sinjibiil ah maalin kasta waxay ka qayb qaadan kartaa hagaajinta caafimaadka guud ee jirka. Sinjibiilshu waxay caan ku tahay dhadhankeeda xooggan iyo carafteeda udgoon, waxayna hodan ku tahay fitamiino, macdano, iyo walxo dabiici ah oo faa’iido u leh caafimaadka.
Sinjibiilsha waxaa ku jira maaddooyin ay ka mid yihiin gingerol, shogaol, iyo zingiberene, kuwaas oo la rumeysan yahay inay leeyihiin saameyn caafimaad oo wanaagsan.
Gingerol waa walaxda ugu muhiimsan ee ku jirta sinjibiilsha. Cilmi-baarisuhu waxay muujinayaan inay gacan ka geysan karto yareynta lallabbada iyo matagga, isla markaana ay leedahay saameyn ka hortagta caabuqa (inflammation).
Shogaol waa walax kale oo samaysanta gaar ahaan marka sinjibiilsha la qalajiyo ama la kariyo. Waxaa la rumeysan yahay inay ka qayb qaadato dhimista xanuunka, isla markaana ay taageeri karto caafimaadka wadnaha.
Waxaa intaa dheer, sinjibiilsha waxaa lala xiriiriyaa taageeridda difaaca jirka, hagaajinta shaqada maskaxda, iyo caawinta ilaalinta heerarka sonkorta dhiigga ee caafimaadka leh.
Maxaa Dhici Kara Haddii Aad Sinjibiil Cabtid Maalin Kasta Muddo Hal Bil Ah?
Haddii aad ka fikirayso inaad sinjibiilsha ku darto cuntadaada maalinlaha ah, waxaa laga yaabaa inaad dareento isbeddello wanaagsan toddobaadyada soo socda.
Uma baahnid inaad cunto sinjibiil cayriin ah kaligiis. Waxaad jarjari kartaa xabbad yar oo sinjibiil ah kuna dari kartaa shaaha, cabbitaannada smoothie-ga, maraqa, ama cuntada aad jeceshahay.
1. Waxay Kaa Caawin Kartaa Yareynta Caabuqa
Sinjibiilshu waxay leedahay walxo dabiici ah oo ka hortaga caabuqa, kuwaas oo ka caawin kara jirka inuu si wanaagsan uga soo kabto caabuqa iyo bararka.
2. Waxay Yareyn Kartaa Lallabbada
Haddii aad la kulanto lallabbo subaxdii ama marka aad safarka ku jirto, sinjibiilshu waxay kaa caawin kartaa dejinta caloosha. Waxaa sidoo kale si badan u isticmaala haweenka uurka leh iyo dadka qaata daawaynta qaarkood si loo yareeyo lallabbada
3.Waxay Dhimi kartaa Murqaha Xanuunkooda
Dadka inta badan dareema murqo xanuun ama jir xanuun ayaa laga yaabaa inay arkaan hoos u dhac ku yimaadda xanuunka marka ay si joogto ah u cunaan sinjibiil.
4. Waxay Taageertaa Dheef-shiidka
Sinjibiilshu waxay ka caawin kartaa hagaajinta dheef-shiidka waxayna taageertaa saxaro socodka caadiga ah. Dadka calool-fadhiga qaba ayaa mararka qaarkood dareema nafis marka ay ku daraan sinjibiilka cuntadooda.
5. Waxay Yareyn Kartaa Xanuunka Caadada
Dumar badan ayaa isticmaala sinjibiilsha si ay u yareeyaan xanuunka iyo murqaha caloosha ee la xiriira caadada. Daraasado qaarkood waxay muujiyeen inuu waxtar u yeelan karo sida qaar ka mid ah dawooyinka xanuun baabi’iya ee fudud.
6. Waxay Ka Qayb Qaadan Kartaa Hoos U Dhigidda Kolestaroolka
Cunista sinjibiilsha si joogto ah waxay gacan ka geysan kartaa dhimista kolestaroolka nooca LDL (kolestaroolka xun) iyo dufanka triglycerides ee dhiigga dadka qaarkood.
7. Waxay Taageertaa Difaaca Jirka
Sababtoo ah waxay leedahay saameyn ka hortagta caabuqa iyo walxo antioxidant ah, sinjibiilshu waxay taageeri kartaa difaaca jirka, waxaana laga yaabaa inuu ka caawiyo jirka inuu si wanaagsan uga soo kabto hargabka iyo caabuqyada fayraska qaarkood.
Gebogebadii
Ku darista qadar yar oo sinjibiil ah cuntadaada maalin kasta waa hab sahlan oo aan qaali ahayn oo lagu taageeri karo caafimaadka guud. Inkasta oo sinjibiilshu leedahay faa’iidooyin badan, haddana ma aha beddelka cunto caafimaad leh ama daawo uu dhakhtar kuu qoray.
Fiiro gaar ah: Dadka qaata dawooyinka dhiigga khafiifiya (sida warfarin), ama qaba xanuunno gaar ah, waa inay la tashadaan dhakhtar ka hor inta aysan si joogto ah u isticmaalin sinjibiil tiro badan.

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.