Dhibaatada Si Xun U Isticmaalka Daawada Diclofenac Sodium
Diclofenac Sodium Waa mid kamid ah daawoyinka xanuun baabi’iyaha ah ee Inta badan bulshadeenu u istimaasho sida Khaldan , waxaa soo raaca daawada Ibuprofen , sababto ah waxaa loo heli karaa dawooyinkaan si fudud.
Hadii loo isticmaalo sida saxda ah Waa daawo faa’iido iyo waxtar leh balse nasiib daro waxaa jira dad aan ku baraarug saneyn oo u isticmaala si khaldan.
Hadii loo isticmaalo sida saxda ah Waa daawo faa’iido iyo waxtar leh balse nasiib daro waxaa jira dad aan ku baraarug saneyn oo u isticmaala si khaldan.
MAXAY TAHAY DICLOFENAC ?
Waa mid kamid ah daawoyinka ka hortaga caabuqa(bararka) iyo kaarka(xannunka) ee loyaqaano Non-Steroidal Anti-inflammatory drug (NSAID).
Waxaa lagu daweeyaa baabi’inta xanuunka iyo inay yarayso caabuqa ama bararka ku yimaada bukaanada sida Arthritis (Xanuunka kala-goysyada) Back pain (Dhabar Xanuunka) Menstrual cramps (Xanuunka Xiliga caadada dumarka) iyo Xaaladaha kale. laakiin haddii aad qaadatid xadi badan oo daawadaan ah ama xili aad u dheer waxaay ku gaarsiin doonta dhibaato si aamusan waxaadna ku baraarugu doona xili ay adag tahay in wax laga qabto.
SUDEE U SHAQAYSAA DICLOFENAC ?
- Daawadani waxay xirtaa dhecaanka Enzyme (COX-1/COX-2) Kaas oo ka qayb qaata in jirkeenu yeesho xanuuun ama kaar iyo Xumadda.kadib marka uu qofku qaato daawadan waqtiyar gudihiis waxaa si kumeel gaar ah uga baaba’aya kaarki iyo xanuunki hayey.
- waxay xirtaa daawadani Prostaglandins kuwaas oo qayb kamid ahi ay keento in Jirku barar sameeyo.
- Enzyme-kaan (COX-1/COX-2) iyo PROSTAGLANDINS waxay jirka u qabtaan shaqooyinka kale oo muhiim ah sida in ay ilaaliyaan dahaarka hoose ee caloosha kelyaha iyo wadnaha.
WAA MAXAY SABABAHA DADKU BADANAA U ISTICMAALAAN ?
- Waxaa si fudud looga heli karaa pharmacy-yada iyada aan dhakhtar ku qorin
- Xannun baabi’in deg deg ah
- Waxaa loo heli karaa qaabab kala duwan sida kaniini , Irbad , boomaato iyo iyadoo budo ah mararka qaar.
- Iyadoo halmar dhamaaneyn tusaale haddii uu guriga kuyaal box kaniini gan ah waxaa dhici karta in qofku markasta istimaalo daawada.
WAA MAXAY KHATARAHA AY LEEDAHAY IN SI KHALDAN LOO ISTICMAALO ?
- Colool dhiig ama Nabaro ku samaysma caloosha(stomach Ulcer): Daawadani waxay xirtaa enzyme (COX-1) kaas oo ka caawiya dahaarka Caloosha inay soo dayaan (mucus) kaas oo ka ilaaliya dahaarka caloosha Asiid-ku si aanu dhaawicin.
- Dhaawac ku yimaada kalyaha (CKD): daawadani waxay yareysaa qulqulka dhiiga gaaraya kelyaha ayada oo xanibeysa (PROSTAGLANDINS) kuwaas oo caawiya in xididada kelyaha kuwareegsan inay furnaadaan. Haddii aad qaadatid dawadan mudo dheer waxaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacaya shaqada kelyahaaga madaama dhiigii iyo Nafaqii ay u bahnaayeen aysan sifiican u soo gaarayn waxaana dhici karta haddii aan la ogaan xili hore in kelyahaagu shaqo gabaan.
- Wadne xanuun(heart attack) ama Cudurka Faaliga (stroke): xanibida (COX-2) daawadani waxay keeni kartaa xinjirowga dhiiga waxayna waxyeelayn kartaa shaqadii xididada iyo dhiiga. Qaadasha daawadan mudo dheer waxay kuu horseedi kartaa xinjirowga dhiiga( blood clot) taas ugu danbeyn sababi karta in Wadnaha ama Maskaxda dhiigu ka xirmo.
- Waxay dhibaato ku keeni kartaa Beerka (hepatic toxicity): haddii aad xaddi badan ka qaadatid ama mudo dheer qaadatid waxaa ku adkaan doonta beerka Inuu haraadiga daawada jirka ka nadiifiyo taas kadib keeni karta in unugyada Beerka uu dhaawac soo gaaro ama in Beerku Bararo.
- Dhiig kar (blood pressure): waxay kentaa in jirku Cusbada , Biyaha iyo dheecanada kale ee dheeriga ah uu haysto halkii badelkeeda laga saari lahaa Jirka , Tusaale; Biyihii iyo Macdanihii kale ee dheeriga ahaa sida Sodium ee looga saari lahaa Jirka qaab kaadi ama dhidid ahaan ah ayaa waxaa yaraaneysa saaristii , arintani waxay keenaysaa in biyihii iyo dhecaanadii kale ku bataan jirka iyo gaar ahaan dhiiga maadaama aan laga saareyn Jirka , taas oo culeys saaraysa Wadnaha , waxaana kor u kacaya Cadaadiska dhiiga.
KHATAR AYAAD KU JIRTAA!
- haddii aad isticmaashid daawadan maalinkasta.
- haddi aad qaadatid calooshaada oo maran(cunada ka hor).
- haddii aad la qaadatid noocayada kale ee xanuun baabi'yaasha lamidka ah (NSAIDs).
- haddi aad horay ulahayd coloosh dhiig ama Laab-jeex.
- Haddii aad qabtid Cudurada sida dhiikar ama Macaanka
- Haddii aad cabtid sigaarka ama aadan jimicsi sameyn.
GOORMAY FIICAN TAHAY INAAD QAADATID DECLOFENAAC?
- Marka aad raacaysid talada xirfadle caafimaad.
- Marka aad dareemaysid xanuun ama barar daran ama mid dhexdhexaad ah qeyb kamid ah jirka.
- Haddi aadan lahayn xanuunada sida Nabar Caloosha ah ama Laabjeex , Dhiikar ama Macaanka.
- Haddii aadan qaadaneyn nooc kale oo xanuun baabi'iye ah.
TALO
Mararka qaar waxaad iska yareyn kartaaa isticmaalka daawadaan adiga oo isticmaalaya dhirta dabiiciga ah sida:
- Sanjabiisha-waxay ka hortagtaa bararka
- haruuda- waxay yareysa dareemida xanuunka
- Iskala bixinta iyo Jimicsi waxay u fiicanyihiin murqaha iyo kala-goys yada
- Isku duugida walax diiran si ay dhiiga furfurto
- Nasiino iyo Taxadarid
- Ka taxadar haddii aad DECLOGENAC la qaadaneysid daawoyinka kale sida:
- Daawoyinka Dhiig karka
- Aspirin ama NSAIDs
- Daawoyinka ka hortaga Xinjirowga dhiiga
- Daawoyinka Kaadi badiyaha loo yaqaan
GUNAANAD
DECLOFENAC waa daawo waxtar leh laakiin maahan macmacaan Layska cuni karo , haddii aad si khaldan u isticmaashid waqti dheer waxay kuu keeni karta dhibkaad iskaga daaweynaysay mid aad uga weyn , sidaa daraadeed waa inaad waligaa ka taxadartaa una qaadataa sida uu dhalhtarkaagu kugu lataliyey.
Haddii aadan hubin fadlan weydii xirfadle caafimaad , ugu danbeyntiina waxaa kaga mahadcelin doona Xubnahaaga!
Haddii aadan hubin fadlan weydii xirfadle caafimaad , ugu danbeyntiina waxaa kaga mahadcelin doona Xubnahaaga!
.png)
Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.