Ketoacidosis-ka Macaanka (DKA) sababta Calaamada Baaritaanada & daaweynta
DKA waa Xanuun Nafta halis gelin kara oo ah ka dhasha Xanuunka Macaanka ee aan la xakameynin (badanaa Nooca 1), oo lagu garto Sonkorta Dhiiga oo Sareysa, ketones-ka kaadida iyo dheef-shiid kiimikaadka Asiid ah.
Calaamadaha Muhiimka Ah Ee Lagu Garto:
- Kaadinta oo badata (Polyuria, Oon badan (polydipsia) Iyo fuuqbaxa
- Labo, matag, calool xanuun
- Neefsashada Kussmaul (neef qoto dheer, neefsasho degdeg ah)
- Neefta Ur sida miro ah yeelata
- Xaaladda maskaxeed oo isbedesha xaaladaha daran ee Xanuunka
Baaritaanada Sheybaarka:
- Sonkorta dhiiga oo kabadan >250mg/dL
- Serum bicarbonates oo ka yar <18mmol/L
- Ketones Dhiiga ama kaadida ah
- Waxaaa kor u kacaya farqiga anion-ka iyo asiidka dheef-shiid kiimikaadka
- pH Dhiiga oo ka yar <7.3
Daawaynta:
- Fluids: NS si loo saxo fuuqbaxa
- Insulin: IV insulin joogto ah
- Electrolytes: Beddelka Potassium (si dhow ula soco!)
- Daaweeya sababta dhabta ah (tusaale, caabuqa, qiyaasta insulinta ee seegtay).
Dhibaatooyinka Ka Dhalan kara DKA:
- Biyo maskaxda fariiista (gaar ahaan ee carruurta)
- Macdanta Potassium oo yaraata
- Xanuunka Hab-dhiska Neefsashada ee daran(ARDS).

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.