Macaanka Nooca 1aad: Type 1 Diabetes maxaa keena Calaamada Baaritaanada & daaweynta



Macaanka Nooca 1aad waa Xalada Ganacu uu soo sarayo Insulin yar ama Gabi ahaan ba aanu soo saarayn wax Insulin ah.

 Maxaa Keena Nooca 1aad Ee Macaanka

Waxaa dhacda Insulin la'aan ama Insulin-ta oo yaraata
• Waxaa meesha ka baxa oo la burburiyey ku dhawaad 90% unuryada beta ee soo saara insulinta 
• Waxaa burburiya difaaca jirka, Marna lama garanayo waxa keenay.
• Waxaa keeni kara sababo kale sida Caabuq [Infection]
• Badanaa Nocaan waxaa ay ku dhacdaa Caruurta.

Calaamadaha:

  • Kaadida oo badata Cora’s habeenki 
  • Dareemid Oon badan
  • Misaanka Oo iskii so degdeg ah hoos ugu dhaca
  •  Fashion badan
  • Dareemid daal Iyo Tabar daro
  • Malabo Iyo Matag
  • Calool Xanuun gaar ahaan marka uu sii Xumaado [Ketoacidosis]

Daaweynta:

Nooca 1aad ee Macaanka Bukaanku waa inuu qaata Insulin inta uu noolyahay.Inkasto oo Mar ba marka ka danbaysa Hormar laga sameynayo daaweynta Macaanka dhawaan Ayey ahayd la baahiyey in markii ugu horaysay lagu guuleystay bukaano qabayb Nooca 1aad Macaanka laga daaweeyey  si dhameys Tiran wadanka China, laakiin aduunka badankiisa iyo wadankeena Soomaliya hadda Taasi wali Suurtagal ma ahaan.

Waxaa loo qeybiyaa Insulin-ta 4 qeybood iyada oo laga ee gayo inta Saacadood ee ay shaqeyn karto.
  1. Rapid-acting: [glulisine,  lispro & aspart] waxay shaqa bilaabaan 15 daqiiqo kadib marka qofku qaato waxayna jirka ka sii shaqeyn kartaa ilaa 2-3 saacadood.
  2. Regular/short-acting: [Regular Insulin] Waxay shaqo bilaabaysaa  30 daqiiqo kadib marka qofku qaato waxay jirka ku sii jiraysaa ilaa 3-6.
  3. Intermediate-acing: [NPH/Neutral Protamine Hagedorn] Waxay shaqa biloowda 2-3 saacadood waxay jirka ku sii jirtaa oo ay sii sheqeysaa 12-18 saacadood.
  4. Long-acting: [detemir & glargine] waxay shaqo biloowda dhowr saacadood kadib marka la qaato waxayna sii shaqeysaa 24 saacadood.
  • Insuliinta waqtiga gaaban waxaa kaloo loo yaqaana [Prandial Insulin] waxaa la qaata Cunooyinka kadib badana kor ayaan ku Soo sheegay inta saac ay shaqeyn karto.
  • Insulin waqtiga dheerna waxaa loo yaqaana [Basal Insulin] badana waxaa la qaata hal Maalinkii iyo Habeenki waxay Qofka ku filantahay 24 saacadood.
Basal Insulin: oo loo layaqaan [Long-acting Insulin] waxay jirka ka shaqeysa Maalintii iyo Habeenki oo Dhan 24 saacadood. Si ay uga dhigto Sonkorta dhiigga mid degan.
Waa in la qataa dose-ka Insulin-tan Maalin ama Habeen kasta wakhti Isku mid ah oo jooga ah Sida:Isla Marka aad Hurdada ka soo toosto ama ama Habeenki Marka aad Seexaneysid. Waa in laggy daraa Howl Maalmeedka qofka Si joogta oo anuu hadba Mar qaadan.
Basal Insulin-ta badanaa Hal Xili ayaa la qataa laakkiin waa la kala qey qeybin karaa sida qaabkan:
  • Hal Waqti Maalintii Halmar sida 100% Maalintii ama Habeenki [glargine U-300] 
  • Labo waqti Maalintii 50% Fiidkii 50% [detemir NPH]
  • Labo Waqti 20% Subixii 80% Fiidkii [glargine U-100]
Kadib marka Bukaanku la socdo Sonkorta dhiiga1 Asbuuc Insulin-tana qaato waxaa uu helayaa inta ku haboon maalinkasta iyada oo lagu jaangoynayo Cunadiisa.

Fadlan wixii Fikir ah ama Talo ah Nagu la wadaag Qeyba Comment-ga ama;
Email: Info.deeqhealth@gmail.com

Comments

QORMOOYINKA UGU CAANSAN

Noocyada kala duwan ee fiitamiinada & faa’iidooyinkooda: Types of Vitamins and their benefits to human beings

5 Cunto oo xoojiya muhiim na u ah difaaca jirka!

Cudurka Qanjo bararka (Qaamo-qashiir) Calamadihiisa Mareyntiisa iyo Tallaalkiisa