Maxay Fantanyl U Tahay Khatar! Iska Ilaalin iyo digniin
Fentanyl waa nooc kamid dawooyinka loo yaqaan Opiods , daawoyinka kale ee Opiods ah side Morphine iyo horoin waxaa laga soo guuriyaa geedka Opium la yiraahdo laakiin fentanyl si duwan waxaa dhamaanteed lagu farsameeya oo lagu dhisaa sharbaaro mana jirto waxyaalaha ay ka sameysan tahay qeyb kamid oo dabiici ah.
Waxaa la ogolaaday in dhakhaatiirtu ay u qori karaan bukaanda la tacaalaya xanuunka daran ee ka dhasha kansarka ama kadib Qalliimada laakiin inta badan maanta fentanyl-ka waayahan loo isticmmaalo sida khaldan waa mid si sharci daro ah loo sameeyay.
Daawada Fentanyl waa ay ka awood badan tahay daawoyinka kale ee Opiods la yiraado waxyar oo kamid ah ayaa qofka ka tan weynaan kara(OVERDOSE).
Fentanyl waa daawo la qabatimo sida daawoyinka kale ee Opiods-ka isticmaalkeeduna wuxuu keena in shaqada maskaxdu is badasho qofkiina uu markaaas qabatimo uuna sii wado istimaalkeeda haddii xataa uu ogyahay dhibaatadeeda.
MAXAY DAREEMAAN DADKU MARKAY ISTICMAALAAN FENTANYL ?
- Xanuun baabi'in dhameystiran oo deg deg ah
- Dareen Farxad saa'id ah (Euphonria)u riyaaqid , deganaan iyo caafimad qab
- Dawakh sanaan iyo Hurdeysnaan
- Dareen maqnaansho (Detachment) kaas oo qofku aanu ka War qabin waxa hareeri ka dhacaya.
- waxay hoos u dhigaysaa habdhiska Neefsasha
- Matag iyo lalabo(nausea & vomiting)
- Calool istaag (constipation)
- Cuncun Jiriirico (itches & flushes)
- Wadne garaac hooseeya(bradycardia)
MAXAY FENTANYL U TAHAY KHATAR!
- Xadi yar oo Fentanyl ah waxay keeni kartaa (overdose) inay qofka ka awood badato
- waa ay ka awood badan tahay daawoyinka kale ee la nooca ah sida Morphine iyo Heroin , xadi yar oo Fentanyl ah ayaa noloshaada halis galin karta
- waxaa jira daawoyin been abuur ah(counterfeit pills) loona ekaysiiyey daawoyin kale oo laqaan loona istimaalo Cuduro kale sida daawoyinka loo isticmaalo welwelka(Anxiety) iyo kuwa xanuun baabi'iyaha ah (pain killers). Kaniiniyada been abuura ka ah waxaa laga yabaa inay u muuqdaan sidii kuwii saxda ahaa laakiin ay ku jirto xaddi Fentanyl ah waxaayna keeni kartaa khatar sababta oo dadka qaadanaya ma ay oga inay Fentanyl ku jirto.
SIDEE LOO QABATIMAA FENTANYL?
- Fentanyl sida Opiods kale waa la qabatimaa marka layska isticmaalo iyada oo aan lala tashan Xirfadle caafimaad. Maxaa yeelay fentanyl waa daawo awood badan waxaana ku adkaaneysa qofka inuu xakameeyo isticmaalkeeda.
- Waxaa ay is badalo ku sameeysaa qaabka ay maskaxdu u shaqeyso waxaa ay ku ku dhiiri galisaa qofka inuu sii wado isticmaalkeeda hadii ay xataa la kulmayaan oo ay ku keeneyso xaalado caafimaad oo halis ah.
- Isticmaalida soo noqnoqota na waxay keentaa in qofku ku tiirsanaado iyo in daawadu jirkiisa ku jirto mar walba , waxay dareemayaan inay caadiihiin kaliya inta ay daawadu jirkooda ku jirto.
- Ku tiirsanaantu waxay keen taa astaamo aan wanaagsaneyn haddi uu joojiyo qofku
- ku tiirsanaantu waxay horsseedaa in jirku uu u yeesho adkaysi daawada taas oo ah xaddigii hore jirku waa uu la qabsanaya , hadii aan kor loo qaadin marba marka ka danbeysana saameyn ma yeelanayso qofkuna waa uu ku khasban yahay inuu kordhiyo xaddiga uu qaadanayo si uu u helo saameyn teeda.
- waxaa la dhihi karaa qofku waa uu qabatimay fentanyl haddii uu sii isticmaalo mudo ka dheer inti la rabay ee loogu talagalay inuu isticmaalo iyo hadii uu la dhacsan yahay sii isticmaalkeeda xataa markii uu ogaaday dhibka ay ku keeni karto.
SIDEE LOO DAAWEEYAA QABATINKA FENTANYL
- Sida Opiods-ka kale cilada waqtiga dheer ee qabatinka fentanyl waa la daaweyn karaa. Daaweynta waxaa kamid ah qaadashada daawoyinka lagu daweeyo cilada qabatinka fentanyl-ka iyo Daaweynta hab-dhaqanka qoofka.
- Qaadasha daawoyinka lagu daaweyo cilada qabatinka fentanyl ayaa ah dookha kowaad ee daaweynta waxaa kamid ah methadone , buprenorphine iyo naltrexone. Daawada lofexidine ayaa iyada loo isticmaalaa astaamaha uu dareemo qofku marka uu joojiga qaadasha fentanyl.
- Daaweynta hab-dhaqanku waa hab wax ku ool oo (psychology) ah oo lagu daweeyo dhibaatooyin maskaxeed iyo hab-dhaqameed iyadoo la adeegsanaayo fahamka iyo dareenka qofka. Waxaa si weyn loogu isticmaalaa daaweynta murugada iyo welwelka ay balwaddu keento iyo dhibaatooyinka dhaqanka ee dadka waaweyn.
- Iyadoo la adeegsanayo xeelado cilmi nafsiyeed (psychology) iyo tababar joogto ah, daaweynta dhaqanku waxay ka caawisaa qofka inuu beddelo dhaqamadii waxyeellada lahaa kuna beddelo dhaqan iyo fikir caafimaad qaba. Waxaa uu leeyahay waxtar badan marka si sax ah loo adeegsado iyadoo lala kaashanayo si joogto ah la-taliye aqoon u leh.

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.