Muxuu Yahay Xanuunka Hyperparathyroidism calaamada baritaanada & daaweynta
Xanuunka Hyperparathyroidism: waa marka qanjirrada parathyroid ay soo saarayaan hormoonka parathyroid(PTH) aad u badan , taasoo kor u qaada kalsiyum-ta dhiigga.
Qanjirrada parathyroidku: waa qanjirro yaryar oo u dhow Qarjinka tayroodhka ee kuyaala Qoorta.
Hormoonka (PTH): wuxuu ku ilaaliyaa kalsiyum-ta dhiiga xaddiga Saxda ah.
MAXAA KEENI KARA IN KALSIYAM-TA DHIIGGU AY HOOSEYSO
Kaalsiyamta dhiigga ee hooseeysa (hypocalcemia) waxaa sababi kara:- Hypoparathyroidism—hormoonka parathyroid oo hooseeya, inta badan waxaa sabab u ah qalliin lagu sameeyey, difaaca jirka oo weerara qanjirka, ama dhibaatooyinka dhanka hiddaha ah.
- Vitamin D-yarida—maqaarka oo qorrax ku filan helin, cunto xumo, ama dhibaato dhanka dheefshiidka ah sida nuugista xiidmaha ee nafaqooyinka.
- Cudurka kelyaha ee daba-dheeraada(CKD)—Xaladaan kalyuhu kama shaqeynsiin karaan fitamiin D ama kama saari karaan fosfooraska dhiigga, taas oo hoos u dhigta calcium.
- Magneesium hooseeya—magnesium-ta ayaa looga baahan yahay shaqada hoormoonka parathyroid.
- Qaadashada kalsiyamka oo liidata— qofka oo aan cunin cuntooyin ku filan oo qani ku ah kalsiyam-ta
- Daawooyinka qaarkood-sida dawooyinka ka hortagga suuxdinta, bifosphonates, iyo steroids.
- Cudurka ama Xaalad caafimaad oo halis ah, caabuqa pancreas-ka, ama qofka oo dhiig fara badan lagu shubay.
SIDEE U SHAQEEYAA HOORMONKA PARATHYROID
PTH waxaan la soo dayaa marka xataa waxyar ay hoos u dhacdo Kalsiyam-ta dhiigga si kor loogu qaado, marka la soo daayo hoormoonka PTH Wuxuu yimaada kelyaha wuxuuna u sheegaa kelyaha in ay bilaabaan sameeyta nooc Vitamin D (active) ah oo u diyaar ah inuu shaqo qabto si kalsiyum-ta dhiiga ee hoos u dhacday dib loogu soo celiyo.Kadib marka helyuhu ka shaqeysiiyaan Vitamin D gu waxaa ka shaqa bilaabaa 3 xubnood ama 3 qeybood oo jirka ah oo kala ah:
- kelyaha: kalsiyam-ta kaadida raacaysay ee jirka ka baxaysay ayaa dib jirka loogu so nuugayaa loo la joojinayaa.
- Xiidmaha: vitamin D-gu Wuxuu xiidmaha faraa in Kalsiyum-ta ku jirta Cunooyinka aan quudano laga nuuga si kor loogu qaado kalsiyam-ta dhiigga.
- lafaha:Waxay so deynayaan lafuhu kalsiyam-ta si kalsiyam-ta dhiigga kor loogu qaado.
MAXAA SABABA XANUUNKA HYERPARATHYROIDISM
- Buro ka soo baxda qanjirka parathyroid-ka (parathyroid adenoma): qanjirka ayaan jiran xaladaan oo maamulku ka dhun-sayahay waxaa dhacaysa iyada oo kalsiyam-ta dhiiggu ay San hooseyn inuu hoormoon badan soo daayo ama xataa haddii kalsiyam-tii intii looga baahna la helo wali hoormonka wa ka sii deynayaa maadama uu qanjirka laftirkiisu jiran yahyahay.
- kelyaha xanuunka daba dheerada (chronic kidney disease): kelyaha ayaan awood u lahayen inay vaitam D-ga ka shaqeysiiyaan si markaas kadib kalsiyum-ta kelyaha ka gudbeysa ee kaadida raacsa dib loogu soo nuugo. Sidoo kale maadada foosforosta oo la rabay in kelyuhu dhiigga ka sifeeyaan oo kaadida lagu daro ayaan dhiiga ku badaneysa ileen kelyihiii ayaa daciifay oo shaqadoodi aan qaban Karin.waxaa dhacaya in kalsiyam-tii dhiigga iyo phosphorus kelyuhu saari kari waayeen ay is qabsadaan oo ay ku ururaan qeybo jirka kamid ah sida xididada dhiigga kala goys-yada iyo murqaha.
Waxaa kaloo dhacda maadama xadi badan kalsiyam-ta dhiiga ay is qabsanayaan foosforosta dhiiga laga saari in ay kalsiyam-tii aad hoos ugu dhacdo markaana qanjirkii aan horay u sheegnay ee parathyroid ee shaqadiisu ahayd inuu kalsiyam-ta dhiigga aad u ilaaliyo uu bilaabo inuu soo daayo xadi aad u badan oo hoormonka PTH ah waxaana kalsiyam laga doonayaa markaas lafihii maadaama lafuhu ka sameysan yihiin kaalsiyam ,Tani waxay keenaysaa in lafihii daciifaan sababta oo ah kalsiyam-tii Ayala laoga qaadayaa si joogta ah sababtuna waa Vitamin D oo shaqadiisu ahayd in kalsiyam-ta cunada ku jirta iyo tan kaadida raacaysaba dib loo soo nuugo oo dhiiga lagu soo celiyana aanay kelyihii ka shaqeysiinkarin oo uu hooseeyo.
Sidoo kalsiyam-tii dhiiga waxaa qabsanaya foosforosta kelyuhu saari kari waayeen waxayna iyoo sidii dhagax ah ku sameys mi kartaa kelyaha kala-goysyada ama murqaha kabidna waxaa ka dhalan karta xaalad kale oo loo yaqaano ( Renal osteodystrophy). Qorma ayaan kaga hadli doona xaladaan.
CALAAMADAHA LAGU GARTO HYPERPARATHYROIDISM
- Daal, Murqo Xanuun,Tabardaro, Madax xanuun Lafo iyo kala goys xanuun
- Xasuusta oo yaraata iyo welwel
- dhagxaan Jirka ku sameysma iyo oon badan iyo kaadi badan.
- Calool istaag iyo wax cunida oo yaraata
- Wadne garaac iyo Dhiig kar
SIDEE LOO BAARAA HYPERPARATHYROIDISM IYO XAALADAHA KA DHASHA
- Serum Parathyroid Hormone (PTH):Waxaa loo isticmaalaa in lagu qiimeeyo dhaqdhaqaaqa parathyroid; Heerka sareeya waxa uu muujinayaan hyperparathyroidism Nooca 2aad ah.
- Serum Calcium iyo Fosfooraska:Isku dheelitir la'aanta-kalsiyum hooseeysa iyo fosfooraska sare-waxaa caan ku ah Xanuunka kelyaha ee dabada dheer CKD waxayna kiciyaan hyperparathyroidism Nooca 2aad.
- Heerarka Faytamiin D:Calcitriol hooseeya wuxuu ku badan yahay kelya xanuun dabada dheeraada CKD, dhibaataduna waa kalsiyamta oo sii xumaanaysa iyo kor u kaca PTH.
- Alkaline Phosphatase (Lafaha ama caabuq qeybaha kale ee jirka):Kor u kaca dhecaankan ee dhiigga waxay muujineysaa caabuq lafaha lafaha wuxuuna caawiyaa in la qiyaaso ka qayb qaadashada lafaha.
- Raajada Dual-energy X-ray, DEXA:Waxa at muujisaa isbeddellada lafaha sida (Bone resorption, jabka, calcification), laakiin baadhitaannada dhiigga ayaa ah kuwa ugu horreeya ee la socodka joogtada ah.
DAAWEYNTA:
- In la xakameeyo xadiga Fosfoorosta dhiigga ayada lo isticmaalayo daawoyinka loo yaqaano Phoshate binders ama Phosphorus Scavengers.
- In xadido cunoooyinka Fosfoorastu ku badan tahay.
- Vitamin D dheeraad ah in la qaato waliba mid ka (active) ka ah
- In la xakameeyo hoormoonka parathyroid PTH
- 6.jimicsi ama dhaqdhaqaajin kala-goysyada si loo ilaaliyo caafimaad qabka kala-goysyada.
Waa muhiim in si joogta ah loo la socdo oo labaaro 6 bilood kasta xadiga dhiigga ee kuwaan hoose:
- Kalsiyam-ta
- Creatinine
- Potassium
- Foosforosta
- Hormoonka PTH
- Vitamin D
Waa in la siwiraa kelyaha kidney Ultrasound iyo Dual-energy X-Ray (DXA/DEXA ) si loo ogaado cufnaanta lafaha loogana hortago in lafuhu khafiifaan ama jabaan.
Haddii aad halkaan soo gaartay mahadsanid fadlan waxii Ra'yigaga ah ama Talo ah nagula wadaag qeybta Comment ga.


Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.