Xaalada Iska Caabinta Insuliinta Ee Jirka Calaamadaha Baaritaanada & daaweynta


Iska caabbinta Insulin-tu waa qayb weyn oo ka mid ah nooca 2 ee sonkorowga iyo cilladda dheef-shiid kiimikaadka. Fahamka sida ay u horumarto waxay lama huraan u tahay ka hortagga iyo maaraynta.

Waa Maxay Iska Caabinta Insulin-tu

Iska caabbinta insulintu waxay dhacdaa marka unugyada murqaha, baruurta, iyo beerka aysan si fiican uga jawaabin Insulinta uu soo deynayo Ganacu oo aysan si fudud uga qaadi karin Sonkorta dhiigga ugly Daadajin karin. Waqti ka dib, tani waxay u horseedi kartaa Nooca 2 ee Xanuunka Macaanka.

Waxyaabaha keeni Kara

  • Dhaxal ahaan
  • Cahill a
  • Qaab Nololeedka aan Socodka ama Jimicsiga lahayn 
  • Cilad ku timaada hoormonada (sida, PCOS)

Calaamadaha 

  • Daal
  • Haaro ama Burooyin yar yar oo Madow ee ka soo baxa qoorta ama kilkilaha (acanthosis nigricans)
  • Nissan ka Oo kordha 
  • Dumarka Xiliga Caadada a oo aan Isku toos neyn 

Baaritaanada

Sonkorta oo la cabiro kadib 8 saacadood oo Soon ah,HbA1c, ama la cabiro Insuliinta jirka wadamada qaar waxaa ay caawin karaan in La ogaado U Adkeysigs Insulin-ta ee jirka.Dhakhaatiirtu waxay isla kaashadaan baaritaanadaan Iyo War bixinta Bukaanka sida haddii Bukaanka qoyskiisa dadka ka mid ah leeyihiin Xaaladaan waxaa Macquul ah in tahay Dhaxal ahaan.

Daaweynta Iyo Xakameynta 

Badalida Qaab Nololeedka 

  • Cuno caafimaad leh (Sonkorta ku yartahay, Baal leh)
  • Jimicsi joints shb (uu yaraan  30 daqiiqo/Maalinti)
  • Miisaan dhimid (Ilaa  5–10% was ay wanaagsan waxtar was ay leedahay)

Daawoyinka

  • Metformin (dookha 1aad)
  • GLP-1 receptor agonists
  • SGLT2 inhibitors (Xaladaha qaar)

Siyaabaha looga Hortegi karo

  • Cun Cunooyinka dabiiciga Iyo Khudaarta 
  • Jimicsi ama Socod samee 
  • Ka fogoow ama Iska yaree Sonkorta Iyo waxayaalaha la warshadeeyey 
  • Hagaaji Hurdadaada 
wixii Fikir Iyo Talo ah Fadlan nagu la wadaag qeybta Comment-ga ama Info.deeqhealth@gmail.com

Comments

QORMOOYINKA UGU CAANSAN

Noocyada kala duwan ee fiitamiinada & faa’iidooyinkooda: Types of Vitamins and their benefits to human beings

5 Cunto oo xoojiya muhiim na u ah difaaca jirka!

Cudurka Qanjo bararka (Qaamo-qashiir) Calamadihiisa Mareyntiisa iyo Tallaalkiisa