Xanuunka Macaanka: Diabetes Mellitus Noocyada Calaamadaha Baaritaanada muhiimka ah & Daaweynta
Sonkorowga ama Macaanku waa koox Xanuuno ah kuwaas oo sonkorta dhiigga (glucose) ay tahay mid aad u sareysa, sababtoo ah Jirka bukaanku ma sameeynayo Insulin ku filan ama si fiican uma isticmaali karo. Tani waxay keentaa Sonkorta dhiigga oo intii looga baahna ka sareysa (hyperglycemia).Insulin-ta shaqadeedu waa in Sonkorta ay ka saarto dhiigga xididada wareeyaga oo jirka kale iyo unugyada ku faafiso si joogto ah. haddi Insulin-tii lawaayo ama ay sidii larabay u shaqeyn weydo waxaa dhacaya in sonkortii dhiigga ku badato kadib waxay dhaawici kartaa xubnaha sida indhaha, kelyaha, neerfaha, iyo wadnaha muddo ka dib.
MAXAA KEENA XANUUNKA MACAANKA
1.Nooca 1aad:Insulin-ta oo lawaayo kadib• Marka unugyadii Ganaca ee soo deyn jiray Insulin-ta uu difaaca jirku burburiyo (Immune-mediated beta cell destruction)
• Xaalad aan wali la aqoon waxa sababa(idiopathic).
• Marka Caabuq ku dhaco Ganaca ayna keeni karaan Daawoyin ama Ilmaragtay (drugs/Infection).
2.Nooca 2aad: markaan Insulin-ta Ganacu waa uu soo deynayaa laakiin
• waa ay yartahay oo kuma filna ama
• Jirka ayaan sifiican u isticmaali karin shaqadii laga rabay ma qaban karto.
Isku darka Xaaladahaan ayaa loo yaqanaa Macaanka.waxaa Kale oo jira xalaadado kale oo sonkorta dhiigu ay sarayso Laakiin laga hortagi karo in ay u gudubto Xanuunka Macaanka.
Xaalada Xanuunka Macaanka ka hor: waa xaalad lagu garto sonkorta dhiiga oo ka sareysa intii caadiga ahayd laakiin ka hooseysa intii Xanuunka Macaanka.waxaa wanaagsan xalaadan haddii uu ogaado qofku inuu isbadal sameeyo oo ka taxadaro in ay xaaladiisu u gudubto Xanuunkamacaanka.
Macaanka Xiliga Uurka: waa xaalad jirku ama dhiigu aanu sonkora xamili karin xiliga hooyada uurka leedahay, sonkorta dhiiguna si fudud ayey ku kici kartaa.waxaa looga garan karaan Noocyada kale in lagu xakameeyn karo kaliya Cuntada oo la hagaajiyo ama Insulin-ta laqaato iyo Sidoo kale in la fiiriyo Uurka kadib in ay sii jirto iyo in kale.haddii ay xilliga uurka ku e kaato waxaa loo qaadanayaa inay tahay Macaanka Xiliga Uurka.
CALAAMADAHA LAGU YAQAAN MACAANKA
• Kaadi badan (polyuria)• Gaajo badan (polyphagia)
• Oon badan (Polydipsia)
QAABKA LOO BAARO SONKOROWGA
Bukaanku waxaa uu leeyahay Xanuunka Macaanka:- haddii laga helo Calaamadaha Macaanka lagu yaqaan iyo Cabirka sonkorta ee Faraha laga qaado oo ka badan >200mg/dL (11.1mmol/).
- Bukaanku 8 saacadood oo uu sooman yahay kadib ayaa Sonkortiisa la cabirayaa haddii Sonkorta dhiiggu kabadan tahay ama ay tahay 126mg/dL (7mmol/L).
- (OGTT) Waxaa qofka la siinayaa 75g oo sonkor ah 2 saacadood kadib ayaa la cabiryaa sonkortiisa haddi ay noqoto ama ka badato sonkorta dhiigu 200mgdL (11.1mmol/L).
- Haddii Hemoglobin A¹C ay noqoto ama ka badato 6.5%.
Haddii Bukaanku uu san lahayn calaamadihii Macaanka laakiin 8 saac oo uu soomanaa kadib wali sonkortii intii laga rabay ay ka sareyso, markii la siiyey 75g oo sonkor ah 2 saacadood na la sugey kadib la cabiray oo ay wali sonkortu intii laga rabay aanay tagin ama Hemoglobin A¹C aan iyana saxney; waa in markale lagu celiyaa Baarista.
Waxaa jira baaritaano kale oo lagu ogaado Xanuunka macaanka sida C-peptide iyo ketone bodies.
Nooca 1aad ee difaaca jirku weero unugyadii beta ee ganaca waxaa lagu baraa baritaanada GAD65 iyo IA-2 ee dheecanada difaaca jirku soo daayo ah.
Nooca 1aad iyo Nooca 2aad ee Macaanka iyo daaweyntooda oo faahfaasan inshaa allah waxaa uga hadli donaa qormo kale.

Comments
Post a Comment
Waad mahadsantahay! Waxaad Nagala Soo xariiri kartaaInfo.deeqhealth@gmail.com haddii aad qabtid su’aal ama aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.