Skip to main content
6 Talo oo Muhiim u ah Ardayda
- Nidaamsanow: Isticmaal buug-yar ama jadwalka mobile-ka si aad ula socoto waqtiga Akhriska, Layliyada, imtixaannada, iyo hawlaha kale. Nidaamsanaantu waxaa ay kaa caawineysaa inaad ka fogaato walwalka oo aad waqtigaaga si fiican u maareysid.
- Su’aalo weydii: Ha ka baqin inaad su’aalo weydiiso macallinkaga ama Ardayda kale marka aadan wax fahmin, wax is weydiintu waa furaha guusha waxbarashada.
- Hab-dhaqan waxbarasho oo wanaagsan samee: Raadi meel aamusan oo raaxo leh si aad wax ugu barato, kuna dadaal inaad wakhti go’an u qoondeyso waxbarashada. Waxbarashada qayb-qayb ka dhig si maskaxdaadu si fiican oo fudud wax ugu xafiddo.
- Daryeel caafimaadkaaga: Seexo wakhti kugu filan, cun cunto nafaqo leh, jimicsi samee si maskaxdaada iyo jirkaaga labaduba u noqdaan kuwo firfircoon.
- Isku dheeli tir waxbarashada iyo madadaalada: Waa muhiim inaad wax barato, laakiin sidoo kale wakhti u hel waxyaabaha aad jeceshahay iyo nasiino, si maskaxdaadu u nasato.
- Hadafyo dhigo: Samee hadafyo gaagaaban iyo kuwo fog oo ku saabsan waxbarashadaada. Hadafyadu waxay Kugu dhiirrigelinayaan oo kaa caawinayaan in aad horumar sameyso.
Comments
Post a Comment
Thanks for your comment! You can email me at Info.deeqhealth@gmail.com if you need more help.