Daawoyinka dhibaateyn kara Caafimaad


Daawoyinka qaarkood waxaa ay dhibaateyn karaan habsamida ama caafimaadka habdhiska dheefshiidka, qaarkood waxay yareeyaan aysiidka caloosha taas oo keenta in Bakteeriyada aan wanaagsaneyn ayay ku korto caloosha.

Antibiotics-ka ama daawoyinka Qalajiyaha loo yaqaano Inshaa Allah mawduuc kale ayaan uga hadli doono.
Marka hore waxa aan sharax yar ka bixineynaa bakteeriyada faa'iidada leh iyo bakteeriyada waxyeelada leh.Bakteeriyada oo dhami maaha kuwo wada wanaagsan ama wada xun; Laakiin qaarkood waxay leeyihiin noocyo faa'iido leh iyo kuwo waxyeello leh.

Bakteeriyada Faa'iidada leh(probiotics):

Waa Bakteeriyada wanaagsan, oo inta badan loogu yeero probiotics, waa noole ilma aragtay ah(microorganisms) kuwaas oo, marka la isticmaalo xaddi ku filan, siiya jirka faa'iidooyin caafimaad Qofka. Waxay ugu horrayn ku nool yihiin mindhicirka waxayna qataan doorar muhiim ah sida 
  1. caawinta dheefshiidka
  2. caawinta nuugista nafaqooyinka ee mindhicirka
  3. soo saarista fiitamiinada (sida fitamiin K iyo folic acid)
  4. taageeridda habka difaaca jirka iyo
  5.  Ilaalinta dheelitirka noolaha si ay uga ilaaliso bakteeriyada waxyeelada leh.
TUSAALE: bifidobacteria bakteeriyada lactic acid(LAB)
 Joogitaankoodu wuxuu caawiyaa ilaalinta caafimaadka guud, waxay taageeraan dheefshiidka iyo nuugista nafaqa, waxay ka hortagaan caabuqyada, waxay kiciyaan difaac, waxayna gacan ka geysan karaan faa'iidooyinka caafimaadka maskaxda. Waxaa caadi ahaan laga helaa cuntooyinka qamiiray sida caanaha suusuca ah ama fadhiya  iyo sida Burka qamiirka leh ama waxaa loo qaataa qaab iyaga oo diyaarsan.

Bakteeriyada Cudurada keenta:

Bakteeriyada xun waxay sababi kartaa caabuq iyo jirro iyadoo soo saarta sun iyo walxo waxyeello leh. 
TUSAALE: E.Coli
Waxay sababaan Cudurada ama xanuunada ku dhaca dhabdhiska dheeshiidka iyo kelyaha/kaadi mareenka.

DAAWOYINKA WAXYEELEYN KARA CAAFIMAADKA


Daawoyinka lagu daaweeyo Aysiidka caloosha ama gaaska [PPIs]
Tusaale: Omeprazole
Waxa ay ogolaadaan in bakteeriyada dhibaatada leh ay ku korto caloosha.

Daawoyinka Xanuun baabi'inta [NSAIDs ]
Tusaale: Ibuprofen
Waxa ay dhaawacaan gidaarka caloosha haddii caloosha oo maran la qaato ama muda dheer la wado.

Daawoyinka waalida [Antipsychotics ]
Tusaale: Olanzapine
Waxay carqaladeeyaan bakteeriyada faa'iidada leh ee caloosha waxay kordhiyaan miisaanka qofka.

Daawada Macaanka [Diabetes drug] 
Tusaale: Metformin 
Waxa ay Carqaladeeysaa habdhiska dheefshiidka


Daawoyinka calool socodsiinta [Laxatives] 
Waxa ay dhaqaan oo saaraan bakteeriyada faa'iidada leh 

Steroids & Immunosuppressants
Waxa ay ogolaadaan in bakteeriyada cudurada keenta ay taranto


Talo: Cun cunada baalka leh,U isticmaal daawoyinka is caqliyeysan ama intii markaas daruuri ku ah oo dhakhtar ku qorey, mudnaanta sii ama tixgeli cunada iyo cabitaanada dabiiciga ah iyo Caanaha xoolaha Sida Caanaha dhanaan ama qaab probiotics diyaarsan(supplements).


 

Comments