Maxay dhakhaatiirtu uga labalabeyaan inay ku dhahaan bukaanada 'Waan ka xumahay'? haddii khalad ka dhaco.!



Raali gelinta waxaa caadi ahaan lagu qeexaa inay tahay "qirasho khalad ama ku guuldareysi  dhacay; bayaan rasmi ah oo ka qoomameyn ah." caafimaadka, raaligelinta lagu bixiyo qaab daacadnimo iyo hufnaan leh ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah wax ka qabashada khaladaadka ka dhaca bahda caafimaadka.

Raaligelinta wax ku oolka ah waa mida la qirto waxa dhacay, lana aqbalo mas'uuliyadda, waana in la muujiyaa sida looga xun yahay dhibaatada bukaanka ka dib marka khalad dhaco. Marka si sax ah loo sameeyo, raaligelintu waxaa ay saameyn bogsiin oo qoto dheer u yeelan kartaa qof kasta oo ku lug leh. Dhakhaatiirta waxaa ay ka caawin kartaa fududaynta eedda iyo cafis ay helaan; Bukaanka waxa ay kobcin kartaa cafiska waxayna aasaas u noqon kartaa dib-u-heshiinta iyo kalsoonida.

Bukaannada ay waxyeello ka soo gaarto dhacdooyinka caafimaadka waxay inta badan doorbidaan cabasho ama eedeyn sababtoo ah waxaa ay dareemayaan raaligelin la'aan ama daacadnimo la’aan. 

Inkasta oo wadankeena hadda uu San ka jirin sharci ama siyaasad la sacota  dhacdooyinka Caafimaadka oo kala saari karta khaladaadka dhaca iyo dacaayadaha mararka qaar loo geysto bahda caafimaadka, bukaanada la kulma dhibaato ka dhalatay adeeg Caafimaad waxaa ay sii wadaan inay sheegaan jawaabaha aanay ku qancin ee ay heleen, ka gabashada dhacdada iyo sumcad ilaalin ayaa ah sababaha ugu weyn ee aan raaligelin loo bixin.

Dhaqan ahaan, shakhsiyaadka iyo goobaha ku jira daryeelka caafimaadku waa ay ka warwareegaan inay bixiyaan raaligelin ka dib marka ay dhacdo dhacdo aan fiicneyn. raaligelinta waxaa loo arkaa mid halis ah laba sababood oo waaweyn dartood:
  1. cabsida laga qabo in raali-gelinta in loo fasirto qirasho dembi ama masuuliyad dayicid weyn, 
  2. welwelka laga qabo in magdhow la weydiisto.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la isla qirsan yahay in shaaca ka qaadida dhacdooyinka aan wanaagsaneyn iyo raaligelinta bukaanada dhibtu gaartay ay tahay habdhaqan ahaan habka saxda ah ee ay tahay in la sameeyo, iyada oo aan loo eegin inay kordhiso ama yareyso suurtagalnimada dacwad.

Waxaa aan nahay bani Adam dhamaanteena khaladku waa uu naga dhici karaa si aan kas ahayn, laakiin waxaa wanaagsan marka  la ogaado in laga garaabo raaligalina laga bixiyo.

Comments